Disha Patani waxay kasoo jeedaa gobolka Uttarakhand ee dalka India waa atiriishi kamid ah kuwa ugu shidan India waqtigaan shaqadeeda Filim jilista koonfur ayee kasoo bilawday filimkii ugu horeeyay ay jishayna waa Loefer ee 2015 la daawaday waxaana atoore ka ahaa Varun Tej.

Disha waxay dhalatay maanta oo kale 13 June 1992 sidaa aawged 28-jir ayee noqotay hadaba munaasabada dhalashadeeda xidigtaan waxaan kasoo diyaarinay macluumaad iyo xaqiiqooyin nolosheeda ugaar ah hoos kaga bogo:

1-inkastoo atiriisha walba wiilal badan oo jecel la helaayo hadana Disha malaayin wiilal ah ayaa ku riyoodaan inee helaan misane jaceyl la wadaagan maadama ay kamid tahay atiriishooyinka ugu shidan hindiya mar walbana sawiro holac ah ayee baraha bulshada taageerayaasheeda usoo dhigtaa.

2-Disha markee yared saaxiibaded waad foolxuntahay ayee dhihi jiray xiliyo dhow ayeena sheekada daaha ka rogtay sido kale Bollywoodka markee imaaneysay dhib ayee kala kulantay mudo ayaa la diidana sabab la xiriirta quruxdeeda oo nusqaan lagu tilmaamay.

3-Disha waxay shaaca ka qaaday inee dunida ugu necebtahay kulamada Hotel-da ka dhacaan xitaa gabdho saaxiibadeed hadii Hotel ku balamiyaan ma aadi iskabadaa wiil inuu ku balamiye dadka Filimada kala shaqeyaan shaqsi gaar ah haduu ku balamiyo Hotel oi xitaa arimaha filimada iyo shaqada kala hadlaayo ma aadi ilaa in muuqaal ama duubis halkaas ka dhaceyso oo dadka oodhan wada joogaan mooyee.

Sababta waxay ku sheegtay inee qawaaf ka qabto halkaas ayna necebtahay inee Ragga kula kulanto waxayna marwalba dhahdaa waxaan ilaalsadaa mustaqbalkeyga.

4-Disha hal wiil kaliga ayee aaminsantahay waana Tiger Shroff xidigtaan wareysiyo badan waxay ku sheegtay in nafteeda xitaa kaga kalsooni badan tahay Tiger mar la weydiiyay in Tiger jaceyl ay u bandhigatay waxay tiri,”Tiger gabar walba ayaa ku hamiso aniga intaan afka ka sheegan lahaa wax walbo rabo isaga inu iisheego ayaan ka jeclahay balse ciro ayaa kasoo baxeyso gabadha Tiger ka sugta inuu jaceyl u bandhigto.”

5-Disha qoyskeeda Bollywood kama soo jeedaan halkaana markee imaaneysay cidna kagama horeynin inkastoo xidigtaan qaab jiliinkeeda atiriishonimo ku meelmarin hadana waxay ku meel martay oo ay caan ku noqotay quruxdeeda iyo soo jiidashadeeda marwalbana safka hore ayee kaga jirta atiriishooyinka ugu shidan.

6-Disha waxay ahed dooqa kowaad ee Filimka Baaghi (2016) balse sabab aan la ogeyn ayaa gabadhaan looga saaray mashruuca waxaana lagu bedelay Shraddha Kapoor balse qeybta labaad ayaa loo dhiibay oo ay atiriisho ka noqotay.

7-Aabahed waxaa lagu magacaaba Jagdish Singh Patani waa askari ciidanka India ka tirsan hooyadeedna waxay ka shaqeysa ururada caafimaadka waxaana la dhashteen hal gabar oo ka weyn iyo hal wiil oo ka yar.

8-Disha sidee atiriisho u noqotay waxaa lagu xantay Tiger Shroff iyo Path Samthaan oo labadaba atoorayaal ah walina ma aysan guursanin waana 28-jir aad loo doon-doono.

9-Diinta ay heysato waa hindu oo ay ku dhalatay sido kale waxyaabaha ay jeceshahay safarada ayaa kamid ah 2012 muran ayee dhexda ka gashay mar ay ka been sheegtay da’deeda rasmiga ah inkastoo markii dambe ah dib u saxday.

10-Disha waxay taageero weyn u tahay Jackie Chan iyo Rekha balse atoorayaasha Bollywoodka si rasmi ah looma oga midka ay taageerto sido kale Jackie filim ayeeba la sameysay.

Dhamaad..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here