Bollywoodkan waa dhaxal sababtoo waa mid kala xili duwan maadaama aktar weliba uu fanka ku qaato waqtigiisa isaga u gaar ah isagoona markii dambe fanka kusoo biiraya caruurtiisa

taaso ah arrin ay caadeystayn aktarada ugu caansan Bollywoodka waxaan maanta ku haya qaar ka mid ah caruurta jilaayaasha ugu caansan Bollywoodka kuwaaso aad u quruxda  laakiin kaliya sugayaan inay kasoo muuqdaan shaashada filimka

1.Govinda

Govinda waa mid ka mid ah jilaayaasha laga dambeeyay xiligii 90s maadaama uu isku darsaday jiliin, dance , action iyo shactiro isagoo sameeyay aflaamo badan oo Hit ah

hadda aktarkan waxaa uu aabo u yahay labo caruur oo lagu kala magacaabo gabadhiisa Tina Ahuja iyo wiilkiisa Yashvardhan Ahuja

iyadoo Tina ay mar hore kasoo muuqatay aflaamta Bollywoodka waxaa weli la sugaya Yashvardhan kaaso lagu tilmaamay inuu leeyahay tayo jilaanimo

2. Danny Denzongpa

kani waa mid ka mid ah laadiriinta ugu cansanaa fanka india isagoo kasoo muuqday inka badan 220 filim wiilkiisa waxaa lagu magacaaba Rinzing Denzongpa kaaso lagu tilmaamo inuu yahay mid Stylish iyo mid u diyaarsan inuu xiligan kusoo biiro fanka

3.Aamir Khan

Marka aad uwaceyso Super Star Aamir Khan waxaa kugu waajib ah inaa magaciisa ka hor mariso ama ka daba mariso magaca Mr.Prefectionst waayo waa aabaha iskoor sameynta India.

Aamir waa mid kamid ah xidigaha ugu guulaha badan India sido kalena qaab jiliinkiisa cajiib ah waa mid waliged la xasuusan doono jiil kajiil.

haddabe Amir khan wiilkiisa Junaid ayaa la sheegaya inuu goor dhow kusoo biiri doona bollywoodka waana arrin weli laga sugaayo inuu xaqiijiyo Amir khan

4. Shatrughan Sinha


 
Shatrughan Sinha ama canjeex waxa uu aabo u ahay sadex caruur taaso ay ugu caansan tahay atariishada Sonakshi Sinha maadaama ay ka mid tahay atariishooyinka ugu magaca weyn xiligan fanka Bollywoodka laakiin Shatrughan Sinha waxaa uu sidoo kale uu dhalay labo oo lagu kala magacaabo Luv Sinha and Kush Sinha kuwaaso si weyn loogu wado inay dhawaan fanka filim jilista kusoo wada biiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here