Wixii la sugaaba taxanaha ugu weyn taxanayaasha turkida ee Kurulus Osman oo isbuucaan bilaaban doono iyo xiliga uu soo gali doono.

0
1027

Taxanaha Kurulus Osman markii la fiiriyo miisaaniyada ay ku fadhiyaan taxanayaasha turkida waa midka ugu weyn uguna miisaaniyada badan waqti xaadirkaan la joogo ayadoo taxanahaan la isugu keenay shakhsiyaad miisaan kuleh fanka Turkiga.

Taxanahaan oo looga hadlaayo taariikhda iyo qaabkii ay ku aasaasmatay khilaafadii weyneyd ee Cusmaaniyiinta ayaa si doorarka looga run sheego la isugu keenay shakhsiyaad waaweyn waxaana hogaamin doono jilaaga ugu magaca weyn haatan fanka Turkiga ee Burak Ozcivit.

Taxanahaan ayaa bilaaban doono 20ka bishaan November taasoo ka dhigan inuu hada kadib soo gali doono maalin arbaco habeen ay Khamiis soo galeyso waxaadna kala socon kartaan kanaalka ATV oo ah isla kanaalka soo daayo taxanaha Hercai.

Taxanahaan oo season 6 maraayo waxaa 5tii season ee hore baahin jiray kanaalka TRT1 ee turkiga balse haatan waxaa xuquuqdiisa la wareegay misna iibsaday ATV.

Tan ayaa waxay ka dhigantahay in daawadashada taxanahaan ay naga xigto kaliya 2 maalmood oo ah isniin iyo talaado waxaana warbixintaan mida xigta uga hadli doonaa shakhsiyaadka qeybta ka ah taxanahaan iyo doorarka ay jili doonaanba.

Taxanahaan wuxuu taxanayaasha kale uga duwanyahay waa taxane diini ah sidoo kalana taariikhda islaamka ee dowladii Cusmaaniyiinta looga hadli doono wuxuuna toos u abaarayaa nolosha aasaasihii weynaa ee dowlada Cusmaaniyiinta Cusman bin Ertugrul bin Suleyman al-awal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here