Wixii la sugaba Hazal Kaya oo ugu dambeyn dhashay iyo magaca cusub ee cunugeeda oo lagu dhawaaqay.

0
2588

Wixii la sugaba atarishada Hazal Kaya ayaa ugu dambeyn xalay ku dhashay mid kamid ah isbitaalada magaalada Istanbul ku yaalo ayadoona sidii la filaayayba wiil dhashay.

Hazal Kaya oo bishii Febraayo ee sanadkaan guursatay filim sameeyaha Ali Atay ayaa in mudo ahba shaashadaha TVyada ka maqneyd sabab la xiriira iney uur leedahay ayadoona ugu dambeyn si nabad galyo ah shalay ku dhashay.

Wiilka ay dhashay Hazal Kaya ayaa waxaa loo bixiyay Fekert Ali waxaana Hazal lagu wadaa in maanta isbitaaalka laga bixiyo iyadoo ay dhakhaatiirta sheegeen in Hazal iyo wiilkeedaba caafimaadkooda taam yahay.

Ali Atay iyo Hazal Kaya ayaa kahor inta aysan is guursan mudo 5 sano ah xiriir jaceyl ka dhaxeyay wuxuuna ugu dambeyn guurkooda dhacay bishii Febraayo ee sanadkaan waliba ayagoo dhigteen aroos weyn kaasoo ay kasoo qeyb galeen jilayaal badan oo magac kuleh fanka Turkiga waxaana xusid mudan in Hazal Kaya ninkeeda ka yartahay da’ ahaan 14 sano.

Hambalyo ayaan leenahay Hazal Kaya iyo seygeeda Ali Atay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here