Home » Box Office » Worldwide Top Ten 2018: Race 3 oo kaalinta 2-aad kaga jiro 10-filim lacagaha ugu badan soo xareeyeen 2018 dibad & dal

Worldwide Top Ten 2018: Race 3 oo kaalinta 2-aad kaga jiro 10-filim lacagaha ugu badan soo xareeyeen 2018 dibad & dal

Filimka weyn Race 3 ayaa soo xareeyay 280 Crore isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka mudo 11-maalmood ah waxaana muuqato in cimri ahaantiisa 300 Crore wax ku darsan doono.

Todobaadka labaad Race 3 ganacsigiisa suuqyada caalamka waxaa caasiyay Pakistan oo uu si adag kaga gadmaayo halka Gulf-ka uu weli ku wanaagsan yahay wuxuuna ka keeni doonaa $5M sidoo kalena UK wuxuu kasoo xareen doonaa £1M.

Inkastoo Race 3 ganacsi wacan sameenayo dibad iyo dal hadana lacagihiisa waa gaabis iyo niyad jab marka loo fiiriyo filim weyn inuu yahay xili fasaxna la daawaday sidaa darteed Salman Khan mashruuciisa heerkii laga filaayay ma uusan gaarin mana u dhawaanin.

Sanadkan 2018 waxaa dhacday in 8-filim oo Hindi ah 100 Crore sare u dhaafeen isku darkooda ganacsi ahaan dibad iyo dal waxayna 8-filim kala yihiin Race 3, Padmaavat, Baaghi 2, Raazi, Sonu Ki Tito Ki Sweety, Raid, Veere Di Wedding iyo Pad Man.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee lacagaha ugu badan 2018 soo xareeyeen ganacsigiida dibad iyo dal la isku daray soona daabacday shabakada BOI (top ten films worldwide in 2018):

1. Padmaavat – 546 crore

 

 

2. Race 3 – 280 crore (11-maalmood)

 

 

3. Baaghi 2 – 249 crore

 

 

4. Raazi – 192 crore

 

 

5. Sonu Ke Titu Ki Sweety – 149 crore

 

 

6. Raid – 145 crore

 

 

7. Veere Di Wedding – 133 crore (24-maalmood)

 

 

8. Pad Man – 124 crore

 

 

9. Parmanu – The Story Of Pokran – 90 crore (35-maalmood)

 

 

10. 102 Not Out – 86 crore