Xiddiga Bollywood-ka ee Salman Khan ayaa gaaray 30 milyan oo taageerayaal ah xarunta sawirrada iyo fiidiyowga la soo dhigo ee Instagram-ka.

 Jilaaga Bharat, oo xukuman qalbiga malaayiin dadyoow oo ku kala nool daafaha caalamka, ayaa u dabaaldegay 30 milyan isagoo la wadaagaya muuqaal uu taageerayaasha uga mahadcelinaya arintan.

Salman Khan oo goor dhow u soo baxay filimkiisaa ugu dambeeyay ee Dabangg 3. ayaa markaan soo wada filimka Radhe.

Filimkaan ayaa shaashada la saari doonaa ciida Diwali kadib, halka mashruuciisa xiga Kabhi asna la daawan doono ciidul fidriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here