Kartik Aryan iyo Sara Ali Khan ayaa soo dhamaaday waayahooda jaceyl iyo mudadii gaabneed ay wada socdeen lamaanahan ayaana kala tageen inkastoo xili hore la ogaa inee kala tagi rabaan gaar ahaan bilawgii sanadkaan ayaaba la dareemay markee ku guda jireen howsha Love Aaj Kal 2.

2018 ayee ahed markii Sara fagaaraha banana ka qiratay inee dooneyso la xiriirida atooraha Kartik wixii markaa ka dambeeyay waa la isku xaman jiray waqtiyo badan ayaana la isku arkay iyagoo isla joogaan ilaa ugu dambeyn ay isla sameyeen filimka Love Aaj Kal 2 balse waxaad moodaa mashruucan inee dabeecad ahaan is dhibsadeen oo wax uun isku khilaafeen.

Waxaa la sheegay kahor inta xayeysiin loo bilaawin filimkaan inuu xiriirkooda bur buray safaaradahana kala qaateen wixii markaas ka dambeyay dusha sare ayee saaxiib ka ahaayen balse warka hader soo baxaya waxuu xoojinayaa in lamaanahan colaad ku kala tageen iyo in xiriirkooda si rasmi ah u bur buray.

Waxaa lasoo ogaaday inee saaxiibtinimada Instagram-ka iskala laabteen midkoodba midka kale oo Unfollow ayee is dhaheen Sara ayaa marka hore Kartik Unfollow dhahday isagana markiisa Unfollow ayuu dhahay hadaba maxaa sababay inee sidaas dhan isku colaadiyaan kuwii dadka iska dhex doorteen shalay waa la ogaan doona wixii jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here