Wuxuu guursaday ina adeertiis 81 jir misna curyaan ah halka asigana 20 jir yahay sababtaan yaabka leh owgeed.

0
1614

Nin u dhashay wadanka Ukraine ayaa guursaday naag kaweyn 61 sano oo ina adeertiis ah asigoona sida lagu waramay arinkaan uga dan lahaa inuu kaga cararo waajibaadkiisa qaran.

Sharciyada Ukraine ayaa qorayo in wiilkasta oo da’da 18 sano dhaafay misna masuul qoys aheyn waajib ku tahay inuu ciidanka iska soo qoray waajibaadkiisana soo guto balse wiilkaan ayaa sida la sheegay guursaday ina adeertiis 81jir curyaan ah.

Arintaan ayaa hada baaris ku socotaa waxaana lagu soo waramayaa hadii ay ku cadaato inuu u guursaday asigoo ka cararaayo waajibaadka qaran guurkiisa la kansali doono ciidankana lagu dari doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here