Superstar-ka caanka ah Sunny Deol oo haatan ah xil dhibaan barlamaanka Hindiya ka tirsan lagana soo doortay deegaanka Gurdaspur ee gobolka Punjab ka tirsan ayaa todobaadkan ciwaanada Hindiya qaatay kadib markii uu Pakistan booqday sidoo kalena uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan mudane Imran Khan.

Sunny Deol ayaa booqday dhismaha caanka ah ee la siyaarto Gurdawara kuna yaalo gudaha Pakistan si uu kaga qayb galo xus diimeedka ay dhigtaan dadka Waqooyiga Hindiya dagaan ee Siiinga Siingaha ah gaar ahana kuwa heestaan diinta Sikhs.

Haddaba Sunny Deol oo reer Punjab ka mid ah xus diimeedkan ayuu ka qayb galay asigoo gudaha Pakistan tagay madaama meesha xuska lagu dhigo xad ahaan gudaha Pakistan ku taalo sidoo kalena labadan dal horey ugu heshiiyeen in 4 kiilo mitir la furo xadka labadan wadan si dadka siyaartooda diimeed u gutaan.

Sunny Deol oo kumanaan Siinga Siinga ah la socdo ayaa xadka ka talaabeen waxaana soo dhaweeyeen ciidamada ilaalada xuduudaha ee Pakistan markii uu waajibaadka diindaha ah gutay kadib wuxuu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayagoo arimo kala duwan ka hadleen.

Xil dhibaan Sunny Deol marka uu gudaha Hindiya kusoo laabtay wuxuu la hadlay saxaafada wuxuuna yiri “Waxay ahayd dhacdo weyn waxaan dadka reer Pakistan ka helay jaceyl fara badan. Tani waa bilaaw waxaan rajeynaa waxaan rajeynaa wax walbo inay sidaan sii ahaadaan oo labada dal nabad ku wada noolaadaan. Waa bilawga nabada aan u wada baahanahay.

Deol oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Dadka oo idil jaceyl xad dhaaf ah ayay ii muujiyeen ma jirto sabab loo wada dagaalamo waa in taa badalkeeda jaceyl iyo wada noolaansho ku badalnaa.”

Marka aan kasoo tagno dhacdadan saameynta xoogan yeelatay dhanka baraha bulshada kaftan badan ayaa ka dhacay oo Sunny Deol lagu garab istaagayay ama lagu weeraraayay waxaana ka mid ahaa:

Kaftanka 1-aad: Sunny Deol marka uu filimada jilaayo xoog ayuu Pakistan ku gaalaa laakiin sheekada marka ay run tahay saf dheer ayuu galay, faro ayaa laga qaaday, ogolaansho ayaa la siiyay kadib ayuu gudaha Pakistan galay.

Kaftan 2-aad: Sunny Deol oo dhulka fadhiyo sidoo kalena si maskiinimo ku dheehan u dhageesanayo qudbada Ra’iisul wasaare Imran Kha.

Kaftanka 3-aad: Sunny Deol oo goobta joogo car waa kaas Pakistan wax haka sheegaan Hindiya kuligoodba dhulka ayuu ku jiidi doonaa.

Kaftanka 4-aad: Askarta xuduuda Pakistan joogaan Sunny Deol waxay sawir ula galeen inuusan dhulka ku jiidin sidii filimka Gadar oo kale u galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here