Wuxuu wacad ku maray qof gaajeysan inuusan ka tagin waana muslim asigoona maqaaxi Free ka furay magaalada Paris

0
727

Ibrahim Bourqia, waa nin dhalinyaro ah oo Faransiis ah asal ahaanna u dhashay Marooko, asigoona ku dhashay kuna barbaaray xaafada (Monte La Jolly) ee ka tirsan caasimadda Faransiiska Paris.

Ibrahim wuxuu awood u yeeshay inuu qabto howlo samafal, arintaasoona aad usoo jiidatay saxaafada gaar ahaan dhanka baraha bulshada, kadib markii uu hadalheynteeda la wareegay.

Ibrahim Boureika ayaa wuxuu furtay maqaaxi u gaar ah, mudo haatan laga joogo 4 sano, wuxuuna u doortay magac Marookaan ah kaasoona ah (Najmatu Faz ama Star Faz), laakiin maqaayada shaqadeeda ayaa waxay isku badashay mid leh qiimo iyo maamuus, gaar ahaan mudadii lagu jiray cudurka safmarka ee Corona kaasoona adduunka ku faafay.

Maqaayada ayaana waxay cunto Free ah siisaa ardayda Faransiiska ah, wuxuuna Ibraahim sheegay ujeedka uu arintaan ka leeyahay ay tahay badbaadinta ardayda gaajada u dhimaneyso.

Asigoo hadalkiisa sii wato ayuuna wuxuu intaas ku daray, “Arintaan inaan go’aan ku gaaro kuna adkeysto waxaa igu kalifay kadib markii aan ka war helay in ardayda qaar ee ay isdilaan naftana is dhaafiyaan kadib markii ay awoodi kari waayeen inay helaan waxay cunaan,”.

Ibraahim ayaana xusay sidoo kalana tilmaamay in Allaah uusan qofna wax la’aan dhigin risqigana gacantiisa ku jiro midaasna uu balan qaaday, sidaas owgeedna asiga uusan wax walwal ah qabin

Ibrahim ayaana yiri “Sidaas owgeed albaabbada maqaayadda way u furan yihiin qof walba, mana jiri doonaan farqi u dhexeeyn doono dadka, ha ahaadaan xaga ardaynimada ama xagga diinta iyo jinsiyadaba.”

Waxaa xusid mudan in hindisaha Ibrahim Borgia uu ku kusoo aadayo ayadoo France ay ka jirto xaalad gaar ah taasoona ah ololaha siyaasadeed oo uu hogaaminayo madaxweynaha Faransiiska iyo xisbiyada garabka midig kuwaasoo ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta, iyadoo lagu marmarsiyoonayo in laga hortagayo xagjirnimada iyo ilaalinta cilmaaniyiinta dowladda Faransiiska iyo qiyamka jamhuuriyadda. waa sidey hadalka u dhigeene.

Ibrahim ayaana doonayo in kooxahaas xagjiriinta islaam naceybka ku caanbaxay uu tusiyo in islaamka uusan aheyn sida ayaga ka dhigteen, balse uu yahay diin tasaamux wanaag walbana laga helo.

Xigasho; Aljazeera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here