Waxaan wada ogeyn 4-kamid ah qoyska Bachchan in laga helay caabuqa Covid-19 isbitaalna la dhigay halka kuwa kalena jawaabtooda la sugaayey hadaba xaalka Bachchan subaxan halka uu maraayo aan isla ogaano.

Amitabh Bachchan iyo wiilkiisa isbitaalka lagu magacaabo Nanavati Hospital ayaa lagu hayaa halkaas ayeena karantiil ku yihiin balse jawi degen ayee dareemayaan wax xanuun ah ama neef qabatiin ah mahayo sida dad caadi ah ayee udhaqmayaan.

Amitabh ayaa muuqaal iskasoo duubay waxuuna taageerayaashiisa iyo dadka dhan ogeysiiyay inuu caafimaad dareemayo aysan iyagana wel-welin waxuu usheegay ine taxadiraan caabuqa dadkii maalmahi udambeyeen la kulmeena in la baaro ayuu ku taliyay.

Aishwarya Rai iyo gabadheeda Aaradhya waa laga helah caabuqa balse calaamado laguma arkin, baaritaankii Positive ayee noqdeen saas eetahay calaamadaha lagu yaqaano caabuqa laguma arkin sidaa aawged xaalkooda ma ahan heer isbitaal loo geeyo waxaana la amray in gurigooda karantiil looga dhigo midaasna Abhishek ayaa shaaciyay marka Aish iyo gabadheeda gurigooda ayee karantiil ku yihiin.

Jaya Bachchan iyo xubnaha kale qoyska baaritaankii kowaad Negative ayee noqdeen balse baaritaankii labaad jawaabtiisa wali masoo bixin waxayna u badantahay inee negative yihiin oo ay ka bad baadeen caabuqa dhanka kals reer Bollywood Ragg iyo Dumar baraha bulshada ayee oga soo duceyeen qoyska Bachchan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here