Atariishada Hazal Kaya waa mid kamid ah atariishooyinka ugu caansan Turkey waxayna aqoonsi caalami ku heshay taxanaha Ask Mamnu’ ee la daawaday 2008dii waliba ayadoo shaashada la qeybsatay jilayaasha magaca weyn lahaa waqtigaas ee Kivanc Tatlitug iyo Beren Saat.

Hazal Kaya oo ku magac dheer magaca Fareha ayaa maanta suuqa loo galiyay inuu ku dhacay caabuqa Corona-Virus kaasoo aduun weynaha si ba’an ugu fidaayo waxayna arinkaan imaaaday kadib markii atariishadaan maalmo guriga kasoo bixin juuqdeedana la waayay taasoo dhalisay hadal heyn ah in la karantiilay kadib markuu asiibay caabuqa Covid19 haleelay.

Balse atariishadaan ayaa qoraal ay baraha bulshada soo dhigtay ku sheegtay iney bad qabto waxa la sheegaayana aysan xaqiiqo aheyn sababta ay guriga u laasimtayna ay tahay in ay u hogaansameyso baaqa hey’adaha caafimaadka kaasoo hal heyskooda yahay gurigaada joog nadaafadana ku dadaal.

Dhanka shaqada Hazal oo hooyo noqotay bishii November ee sanadkii hore ayaan wali saxiixin wax mashruuc ah oo ay kusoo laabaneyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here