Waxaan horay idiin kula wadaagnay in Zehra xalqada 29aad oo ah xalqada jimcadaan ay u tahay midii ugu dambeysay maadaama ay xaamilo tahay misna jiliinka sii wadi karin.

Hada waxaaa lasoo bandhigay sawir muujinaayo in Zehra ay safri doonto sidoo kalana sawirka waxaa ka muuqdaan reer Sadoglu oo Zahra macsalaameynaayo.

Lama hubo iney toos u macsalaameynayaan ama ay musalsalka ku macsalaameynayaan oo ay safri doonto midkey tahay cidina ma xaqiijin karto balse waxay u badantahay sadaxdaan arin midkood.

Tan koowaad in Zehra safri doonto waaba arin macquul ah misna sida sawirka ka muuqataba qoyska wey macsalaameynayaan sidaas owgeed waxay u badantahay hadey safarto in taxanaha Season 3 haduu leeyahay ay qeyb ka noqon doonto.

Mida labaad in la afduubto waayo Caziiza markii ay ogaato in sirteeda ay Zehra ogtahay waxaa macquul ah iney afduubato si aysan halis u galin waayo Muran oo ogaadaa in Hazar aabihiis yahay waa dhamaadkii Caziiza.

Mida sadaxaad in Zehra dhiman doonto misna Caziiza dili doonto waana mida loo badinaayo si aysan sirta u kashifin darteed.

Hadaba akhristow adiga sidee kula tahay??

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here