Karwa Chauth waxaa la dhahaa waa maalinta haweenka hinduuga ah ee diinta hinduuga heestaan kuwooda xaasaska ah ay waajib ku tahay iney soomaan sanadkii mar ayeena soomaan maaliintan oo kale.

Waxay ka soomaan cunista iyo cabitaanka kaliya ilaa dayaxa kasoo baxaayo habeenkii wey soomanaanayaan markuu dayaxa soo baxo ayee afurayan waxaana afuriyaan Ragga iyaga qabaan sababta ay u soomaan ayaa ah cimri dheeri iyo caafimaad qab ay sanamka oga baryaan Raggooda.

Waa wax shirki ah balse dhaqan iyo diin ahaan u heestaan reer hindiya hadaba maanta oo ay ku beegned taariikhda 17 Oct waa maalinta soonka hinduuga xaasaska ah dhamaana wey wada soomeen atiriishooyinka Bollywoodka xaasaska ah kujiraan.

Waxaa hader la sheegaya inee saf ugu jiraan ama aad u sugayaan inta dayaxa kasoo baxaayo si ay u afuuraan koox koox iyo qoys qoys ayaa banaanka loo buuxa oo la sugayaa dayaxii. Atirishooyinka maanta soomeen waxaa kamid ah Shilpa Shetty, Raveena Tandon, Juhi Chawla, Priyanka Chopra, Deepika Padukone, Mira Rajput (xaaska Shahid Kapoor) iyo kuwa kale oo badan.

Sawiro xili horw laga soo qabtay hoos ka daawo atiriishooyinkan oo iski diyaarinayaan afurka dharla dhaqanka Saariga ahna xirteen xili saxanka ay ku wataan afurkooda sida biyo iyo cunto.

Karwa Chauth 2019: Mira Rajput, Shilpa Shetty, and others deck up for the early celebrations

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here