Gabadha heesaaga ah ee Bollywood-ka ka tirsan Kanika Kapoor marwalbo waxaa lagu xasuusan doonaa heeskii Bobby Doll oo ay atirishada Sunny Leone u qaaday kana mid ah heesaha ugu caansan dhawaanahan aflaanta Bollywood-ka ayaa haatan baxar weyn ku jirto waxaana lagu tilmaamay qof aan masuul ahayn sidoo kalena xaasid ah.

Kanika Kapoor dhawaan London ayay ka timid waxayna kasoo dagtay Airport-ka Lucknow ku yaalo waxayna sameesay in baaritaankoo rakaabka lagu sameeyay ka dhuumatay waxaana la sheegay in ilaalada garoonka haatan la heesto madaama buugeeda caafimaad lagu baaray ku qoran tahay inay lab tahay jinsi ahaan sidoo kalena Coronavirus laga baaray!

Kanika Kapoor waxay sameesay markii ay gudaha Hindiya kusoo laabatay xaflad weyn ayay dhigatay oo in ka badan 100 qofood kasoo qayb galeen weliba dariskeeda xitaa wey casuuntay kadibna maalmo markii ay gudaha Hindiya joogtay wey xanuun satay gurigeeda ayaa dhaqaatiir ugu imaadeen markii la baareyna Coronavirus ayaa laga helay!

Dadka oo idil weerar ayay ku qaadeen gabadhan heesaaga ah baraha bulshada iyada ayaa heesato waxaana la leeyahay wey isku ogeed caabuqan halista badan inay qabto kadibna dadka ayay ku dhex faafisay madaama xaflad dhigatay haatana waxaa laga cabsi qabaa dadkii faraha badnaa oo ay isugu wacday badankooda inuu xanuunkan asiibay.

Haatan dacwad ayaa lagu soo oogay Kanika Kapoor waxaana la sheegay marka ay xaalada karantiilka ah ka baxdo maxkamad lasoo taagi doono sidoo kalena dadka qaarna waxay leeyihiin xitaa haloo diido hadda kadib inay shaqadeeda heesaanimo sii wadato madaama ay ku kacday fal aan wanaagsaneyn dad badana ay qatar galisay nafsadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here