Xaaska Mesut Ozil ee Amine Gulse oo qaaday jidkii xaaskii Gerard Pique ee Shakira.

0
1446

Atariishada Turkiga sidoo kalana ah xaaska uu qabo laacibka kubada cagta ee Mesut Ozil ayaa qaaday jid lamid ah midka ay qaaday fanaanada Shakira ee u dhaxdo laacibka difaaca uga ciyaaro kooxda Barcelona iyo Qaranka Spain ee Gerard Pique.

Shakira ayaa kahor inta aysan guursan Pique waxay taageero weyn u aheyd kooxda Rael Madrid, oo ay cadaawad dhanka Footballka kala dhaxeyso Barcelona, balse markii ay Pique guursatay ayay u wareegsatay kooxda ninkeeda ayadoona Barcelona taageero u noqotay.

Haatan atariishada Amine Gulse ayaa jidkaas mid lamid ah qaaday kadib markii ay taageero u noqotay kooxda Fenerbahce taasoo uu dhawaan ninkeeda Ozil ku biiray.

Amine ayaana horay u taageeri jirtay kooxda Galatasaray ee cadaawada Footballja kala dhaxeyso kooxda Fenenahce waxayna labada kooxba ka ciyaaraan Horyaalka Turkey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here