Cricket yaqaanka caanka ah Virat Kohli iyo atiriishada Anushka Sharma waxay kamid noqdeen lamaanayaasha ugu caansan dalka India kasoo jeedaan mudo 2 sano oo ay wada nool yihiin nolosha dhan walba ayee iskala fahmeen kaliya caruur ay waalid u noqdaan ayaa ka maqan.

Akhristayaasha Ragga ah suaashan ayaa caawa hortaalo taaso ah hadii xaaskaada xirato labiskaada maku farxad galineysaa arinkaa? Atiriishada Anushka Sharma waxay sheegtay Virat Kohli inuusan jirin waqti uu ka farxad badan yahay marka ay labiskiisa xirato.

Dhowaan wareysi laga qaaday ayaa lagu weydiiyay sheeyga ay sameeyso misane Virat si weyn u farxad galiya had iyo jeer waxayna tiri,”markaan dharkiisa xirto majirto waqti uu ka farxad badan yahay wuuba ka helaa inaan labiskiisa kala nooca iska xirto.”

Xidigtaan ayaa sheegtay markee guriga wada joogaan inee surwaalkiisa xirato ama shaarkiisa ama jaakadiisa xili isaga uu isaga qoslo mar marka qaarna waxuu dhahaa ha bixin indhaha ayaa ku doogsada markaa labiskeyga qabtid waa sida iyada ay sheegtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here