Jilaaga caanka ah Kartik Aryan ayaa maalintii shalay ahed jirsaday 29 sano cimri ah waxuu dhashtay shalay oo kale 22 Nov 1990 waana 29 jir dunida caan ka noqday mida uu hader ku faano ayaana ah in taageerayaashiisa gabdho u badan yihiin oo dhamaantood wada jecel.

Xalay ayuu magaalada Mumbai xaflad yar kudhigtay oo uu ugu dabaal dagaayey sanad guurada dhalashadiisa waxuuna ku casuumay qaar kamid jilayaasha Bollywoodka oo ay ugu horeyeen gabdhaha yaryar ee dhalinta ah.

Xaflada ayaa saameyn weyn yeelataya oo subaxan la hadal hayaa maadama sawiro laga soo bandhigay martida Bollywoodka kasoo qeyb galeen waxaa kamid ah Jhanvi Kapoor, Kriti Sanon, Nupur Sanon, Bhumi Pednekar, Ananya Panday, Imtiaz Ali iyo kuwa kale oo badan.

Dhanka shaqada Kartik waxuu ku mashquulsan yahay duubista Filimkiisa Dostana 2 ee Jhanvi Kapoor la jileyso waana mashruuc shactiro iyo jaceyl.isku dhex jiro ah bal hoos ka daawo martida Bollywoodka ee xaflada Kartik kasoo qeyb galeen sawiradooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here