Filimka Thappad ayaa todobaadkiisii koowaad soo xareeyay ganacsi liito asigoona keenay 21 crore mana ahan ganacsigii laga filaayay filimkaan.

Sidoo kale sadaxda maalin ugu horeyso todobaadkiisa labaad ayuu keenay ganacsi liito walow shalay oo axad aheyd uu sare u kac weyn sameeyay misna soo xareeyay 2.40 crore balse ma ahan mid ku filan.

Filimka Thappad ayaa sadaxda maalin ugu horeyso todobaadkiisa labaad keenay qiyaastii ku dhawaad 5 crore wuxuuna ganacsigiisa guud sidaan ku marayaa 25 crore.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo 10 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Todobaadkiisa koowaad; 20.89 crore.

Jimce; 90 lakh.

Sabti; 1.65 crore.

Axad; 2.40 crore.

Wadarta guud; 25.79 crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here