Filimka Chhapaak ayaa 3da maalin ugu horeyso todobaadkiisa labaad ganacsi burbur ah markale sameeyay asigoona siweyn hoos ugu dhacay wuxuuna keenay kaliya 3.50 crore.

Filimkaan ayaa xitaa ganacsi ahaan ka liito filimka Good Newwz lacagaha uu soo xareeyay sadaxdiisa maalin ugu horeyso ee todobaadkiisa 4aad waana arin cajiib ah maadaama Chhapaak todobaadkiisa 2aad ku gudo jiro.

Filimka Chhapaak ayaa haatan ganacsigiisa marayaa 29.25 crore wuxuuna todobadkiisa labaad gaari doono ilaa 31 crore balse arintii aheyd in cimri ahaantiisa gaaro 35 crore waa arin mustaxiil ah oo aanan dhici karin.

Halkaan hoose kaga bogo Chhapaak iyo mudo 10 maalmood ganacsiga uu sameeyay.

Week 1; 25.75crore.

Jimcihiisa 2aad; 75 lakh.

Sabtidiisa 2aad; 1.25 crore.

Axadiisa 2aad; 1.50 crore.

Wadarta guud; 29.25 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here