Filimka Good Newwz ayaa todobaadkiisa 4aad tiyaatarada saaran wuxuuna filimkaan 2dii todobaad ugu horeysay sameeyay ganacsi weyn taasoo mar hore ka caawisay inuu Super Hit noqdo haatana inuu Blockbuster noqdo ayaa rajo laga qabaa.

Good Newwz ayaa jimcadiisii 4aad keenay 75 lakh halka sabtidiisii 4aad uu keenay 1.25 crore taasoo ka dhigan in mudo labo maalmood kusoo xareeyay 2 crore maanta oo axad ahna wuxuu keeni doonaa 1.50 crore qiyaas ahaan taasoo ka dhigan in mudo 3 maalmood kusoo xareeyo 3.50 crore sidaasna ku dhaafo ganacsiga filimka Mission Mangal.

Good Newwz haatan waa filimkii 6aad ee sanadka 2019ka lacagaha ugu badan soo xareeyay asigoona ay ka horeeyaan filimada War, Kabir Sing, Uri – The Surgical Strike, Housefull 4 iyo Bharat waxaana lagu wadaa in filimka Bharat uu soo qabto ganacsigiisa 197da crore isla markaasna dhaafo balse howl sahlan ma noqon doonto.

Halkaan hoose kaga bogo ganacsiga Good Newwz;

Week 1; 124.94 crore.

Week 2; 50.68 crore.

Week 3; 14.15 crore.

Jimce 4aad; 75 lakh.

Sabti 4aad; 1.25 crore.

Wadarta guud; 191.77 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here