Xagee marayaa ganacsigii filimka Housefull 4 oo todobaadkiisii 4aad ku gudo jiro

0
1417

Filimka Housefull 4 ayaa todobaadkiisii afaraad ku gudo jiro asigoona sadaxdiisa maalmood ugu horeyso ee todobaadkiisa afaraad soo xareeyay 2.50 crore wuxuuna sameeyay 70% hoos u dhac markii lala barbardhigo sadaxda maalmood ugu horeyso ee isbuuciisa sadaxaad.

Hoos u dhaca Housefull 4 waxaa u sabab ah in filimkaan tiyaataradiisa aad loo yareeyay asigoona la saaray 300 ilaa 350 tiyaatar isbuuciisa afaraad waxaana u sabab ah in filimka Marjaavaan uu inta badan tiyaatarada India la wareegay ayadoo sidoo kalana filimka Bala uu isna todobaadkiisa labaad ku gudo jiro.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimka Housefull 4 iyo ilaa hada ganacsigiisa halka uu maraayo;

Isbuuciisa koowaad; 135.86 crore.

Isbuuciisa labaad; 48.07 crore.

Isbuuciisa sadaxaad; 16.25 crore.

Jimcadiisa 4aad; 45 lakh.

Sabtidiisa 4aad; 75 lakh.

Axadiisa 4aad; 1.40 crore.

Wadarta guud; 202.78 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here