Xagee marayaan ganacsigii filimka Udja Chaman iyo mudo 4 maalmood lacagaha uu keenay.

0
977

Filimka Udja Chaman ayaa ganacsi gaabis ah sameeyay shalay oo isniin aheyd asigoona keenay 90 Lakh waxayna tani ka dhigantahay in mudo 4 maalmood uu filimkaan keenay kaliya 8 crore.

Inkastoo miisaaniyada filimkaan ay tahay mid xadidan hadana waxaa lagu waday in ganacsigiisa intaas ka badnaan doono haatan waxay shabakada BOI leedahay filimkaan isbuuciisa koowaad 10.25 crore ayuu keeni doonaa ayadoo hoos udhaca weyn ee filimkaan isniintiisa koowaad sameeyay ay meesha ka saari karto inuu tiyaatarka mudo dheer baaqi kusii ahaan doono waxaana macquul ah in 20 crore xitaa uusan gaarin cimri ahaantiis.

Hadaba halkaan kaga bogo filimkaan iyo afartiisii maalmood ugu horeysay lacagaha uu keenay;

Jimce; 1.75 crore.

Sabtid; 2.50 crore.

Axad; 3 crore.

Isniin; 90 Lakh.

Wadarta guud; 8.05 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here