Xaguu maraa ganacsiga filimka WAR iyo isbuuciisa 5aad lacagaha uu keenay.

0
1393

Filimka WAR ayaa isbuuciisa 5aad keenay lacago dhan 2.25 crore taasoo wadarta guud ee lacagaha filimkaan ka dhigeyso 294 Crore wuxuuna ka gaabiyay in filimkaan gaaro darajada 300 crore waxaana ka hadleynaa luuqada Hindiga kaliya balse dhamaan luuqadaha lagu daawanayo filimkaan 300 crore mar hore ayuu ka talaabay.

Filimkaan ayaa isbuuciisa 5aad sameeyay 56% hoos u dhac markii loo fiiriyo isbuuciisa 4aad waana arin wanaagsan maadaama isbuuciisa 4aad uu ahaa mid uu jiray fasax qaran laguna jiray feestada Diwali.

Filimka WAR ayaa guud ahaan dhamaan luuqadaha Hindiga ka keenay 305 crore asigoona ka lacag badiyay filimka Saaho sidaasna ku noqday filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay sanadkaan dhamaan filimada hindiga.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo lacaga uu WAR keenay mudo 5 todobaad.

Isbuuciisa koowaad; 224.43 crore.

Isbuuciisa labaad; 44.11crore.

Isbuuciisa sadaxaad; 18.30 crore.

Isbuuciisa afaraad; 5.13 crore.

Isbuuciisa shanaad; 2.25 crore.

Wadarta guud; 294.22 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here