Xaguu marayaa ganacsiga filimka Commando 3 iyo filimkaan oo todobaadkiisii labaad burburay.

0
1514

Filimka Commando 3 ayaa isbuuciisii 2aad sadaxda maalmood ugu horeso hoos u dhac weyn sameeyay asigoona keenay kaliya 1.65 crore waana ganacsi aad iyo aad u liito markii lala barbardhigo ganacsiga uu sameyay sadaxda maalmood ugu horeyso ee isbuuciisa koowaad.

Commando 3 wuxuu todobaadkiisii koowaad sadaxda maalmood ugu horeyso keenay 18.25 crore halka sadaxda maalmood ee ugu horeyso todobaadkiisa labaadna uu keenay 1.65 crore waadna dareemi kartaa farqiga waalida ee u dhaxeeyo labada lacag.

Filimka Commando 3 wuxuu qiyaas ahaan todobaadkiisa labaad keeni doonaa 2 crore wuxuuna filimkaan haatan yahay Below Average waxaana la rajeynaa in TVyada uu siweyn uga gadmo macaash badana laga helo hase yeeshee filimkaan lacagaha uu todobaadkiisa koowaad keenay markii la fiiriyo waxaa la is lahaa waa filim Hit ah.

Halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo 10 maalmood ah ganacsiga uu sameeyay;

Isbuuciisa koowaad; 2917 crore.

Jimcadiisa 2aad; 35 lakh.

Sabtidiisa 2aad; 50 lakh.

Axadiisa labaad; 80 lakh.

Wadarta guud; 30.82 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here