Xaguu marayaa ganacsiga filimka Dabangg 3 kaasoo mudo 9 maalmood tiyaatarada saaran?

0
1582

Filimka Dabangg 3 waxaa tiyaatarada la saaray 20kii bishaan wuxuuna filimkaan bartanka ka galay xaalad cakiran taasoo gabi ahaanba hor istaagtay ganacsigii uu filimkaan sameyn lahaa.

Inkastoo ay sheekadiisa Normal aheyd sidoo kalana isku xirka filimkaan ee Directed Prabhu Deva la dhaliilay hadana filimkaan wuxuu ku gadmi lahaa awooda Mega Star Salman Khan 3da maalmood ee ugu horeeyo.

Dabangg 3 jimcihii wuxuu keenay 2.75 crore wuxuuna sameeyay hoos u dhac aad iyo aad u weyn markii lala barbardhigo jimcihiisii koowaad oo uu filimkaan keenay 22.50 crore shalay oo sabti aheydna wax sare u kac weyn ma uusan sameynin wuxuuna filimkaan keenay 3.50 crore waxaana muuqato in filimkaan sheekadiisa gabi ahaanba daawadayaasha iska diideen sababta uu ku gadmayana ay tahay awooda Mega Star Sallu.

Dabangg 3 haatan ganacsigiisa guud wuxuu marayaa 120 crore mudo 9 maalmood waxaana macquul ah in cimri ahaantiisa uusan gaarin 150 crore hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan mudo 9 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Week1; 113.75 crore.

Jimce; 2.75 crore.

Sabti; 3.50 crore.

Wadarta guud; 120 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here