Filimka Hollywoodka ee Frozen 2 kaasoo sidoo kalana loo yaqaano Frozen II ayaa ganacsi wacan wali ka sameynaayo gudaha India asigoona todobaadkiisii sadaxaad sadaxda maalmood ugu horeyso keenay 4.50 crore.
Filimka Frozen 2 ayaa ka lacag badiyay filimka Commando oo todobaadkiisii 2aad saaran halka Frozen 2 uu todobaadkiisii sadaxaad saaranyahay waana arin kaloo xiiso leh.
Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo 17 maalmood ganacsiga uu sameyay;
Todobaadkiisa koowaad; 26.31 crore.
Todobaadkiisa labaad; 13.02 crore.
Jimcadiisa 3aad; 50 lakh.
Sabtidiisa 3aad; 1.75 crore.
Axadiisa 3aad; 2.25 crore.
Wadarta guud; 43.83 crore.