Xaguu marayaa ganacsiga filimka Motichoor Chaknachoor ee todobaadkaan tiyaatarada la saaray?

0
851

Filimka Motichoor Chaknachoor waxaa hogaamiyayaal ka ah Athiya Shetty iyo Nawazuddin Siddiqui asigoona isbucaan tiyaatarada lala saaray filimada Marjaavaan iyo Bala balse filimkaan ayaa meesha ku dhex dhumay.

Motichoor Chaknachoor oo la saaray 550 tiyaatar ayaa Box Officeka ku burburay inuu lacago fiican keeno iska dhaafee xitaa filimka Housefull 4 oo isbuuciisii 4aad ku jiro misna la saaray kaliya 300 tiyaatar ayaa waxbadan ka lacago badiyay.

Halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo 5tiisii maalmood ugu horeysay lacagaha uu keenay;

Jimce; 30 lakh.

Sabti; 50 lakh.

Axad; 60 lakh.

Isniin; 20 lakh.

Talaado; 20 lakh.

Wadarta guud; 1.80 crore.

Filimkaan todobaadkiisa koowaad 2 crore ayuu keeni doonaa cimri ahaantiisana 3 crore ma gaari doono waana filim burburay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here