Mega Star Rajinikanth filimmliisa Darbar ayaa wali dhulweynaha Tamilka ka sameynaayo ganacsi wacan asigoona waliba gudo galay todobaadkiisii sadaxaad.

Filimka Darbar oo ah filim Action madadaalo dhameystiran leh ayaa waxaa Rajini ku wehliyo jilaaga Bollywoodka balse baryahaan Koonfur u jiheystay ee Suniel Shetty asigoo waliba laadarnimo filimkaan ku matali doono.

Darbar ayaa mudo 15 maalmood haatan dhulweynaha Tamilka ka keenay 144.80 crore waana lacagaha canshuurta kadib asigoona canshuurta kahor keenay 168.2 crore balse markii canshuurta laga jaro waxay noqoneysaa 144.80 crore.

Darbar sidoo kale wuxuu daafaha caalamka ka keenay 71 crore taasoo isku darka lacagihiisa dal iyo dibad ka dhigeyso 239.20 crore (168.20 + 71) waana lacagaha canshuurta kahor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here