Xalqada 13aad ee taxanaha Kimse Bilmes (qofna ma oga) iyo dhacdooyinka aad ku daawan doonto.

0
58

Waxaa hada kanaalka turkiga ee ATV ka socdo xalqadii 13aad ee taxanaha Kimse Bilmez kaasoo meel xiiso leh inoo marayay waxaana xalqadaan iyadoo turjuman youtubeka lasoo dhigi doonaa bari subax aroortii insha’allah, hadaba halkaan kaga bogo dhacdooyinka xiisaha leh ee loo daawan doono.

-Ali iyo Sevda oo si layaab leh uga guuleysanaayo shirqoolkii uu Owgaar u dhigay.

-Ali wuxuu ugu dambeyn  sevda u cadeynayaa inuu jecelyahay.

-inta ali iyo sevda jaceylka jilayaan guurkana isku diyaarinayaan Owgaar wuxuu ogaanayaa sirta kooksaal taasoo ah inuu dilay wiilka Ali.

-su’aasha waxay tahay owgaar ma joojin doonaa guurka ali iyo sevda?

-dhanka kale ali ayaa si kadis ah taleefan loogu sheegi doonaa arinta beyloot, hadaba walaalkiis mala kulmi doonaa?

-Beyloot wuxuu jaceylkiisa usoo bandhigan doonaa duweygoo hase yeeshee duweygoo ma dooneyso hada kadib in beyloot nolosheeda qeyb kasii ahaado.

-su’aashu waxay tahay beyloot awood ma u yeelanayaa in duweygoo cafiso maadaama uu been u sheegay?

-dhanka kale mart oo ah cadowga cusub ee Ali iyo Beyloot wuxuu heli doonaa fursad uu xabad ugu dhufto beyloot balse su’aasha waxay tahay beyloot ma dhiman doonaa?

Dhamaan dhacdooyinkaan iyo su’aalahaan jawaabahooda waxaad ka daawan doontaan xalqada 13aad ee taxanaha Kimse Bilmez taasoo bari subax aroortii Youtebka ka daawan kartid iyadoo mutarjam ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here