Waxaan si rasmi ah u bilaawnay turjumida taxanaha hindiga ee sanadkaan 2019 aadka loo jeclaaday Beyhadh 2 waa taxano jaceyl iyo qiyaano isku dhexjirto ah hadaba xalqada kowaad ee taxanahan iyo jilayaasha hogaaminayaanba hoos kaga bogo:

Ugu horeyn ereyga Beyhadh micno ahaan waxuu noqonayaa wax aan xad laheen ama dhamaad laheen waa wax xuduud, dhamaad iyo xadba aysan celin karin marka waxaa laga wadaa nolosha haweeyneyda Maya Jai Singh lagu magacaabo in nolosheeda oodhan ay Beyhadh tahay ama xad aysan laheen ama dhamaad laheen qisadeeda.

Xalqada kowaad waxay ku bilaawaneysa sida tan:

Filimka doorka ugu weyn waxaa jileyso atiriishada caanka ah ee Jennifer Winget oo ku jileyso doorka Maya Jai Singh waa haweeyney xanaaq badan oo marwalba careysan waxaa guriga kula nool hooyaded kaliya waxay uurka ku heysa godob hore iyo qiyaano hore oo loo geestay sidaa aawged ujeedkeeda waa sidee ku aargoosan laheed.

Waxay ku bilaawane xalqada iyadoo gaari wadata meel cido oo biyo dhiiqo leh buuxaan ayee imaane biyihii ayee dhex galee iyadoo leh “noloshii hore iyo boogtii hore wado ayee kuu furtaa cashar ayaadna ka qaadane dhib walbo horey usoo martay” oraahdaas ayee leedahay.

Kadib waxaa lagu tusaa meel xeeb ah oo feesto ka jirto ducooyinka hindugana lagu dhigo waxaana goobta laguugu baraa Jilaaga caanka ah ee Aashish Chaudhary oo ku jilaayo taxanaha doorka Mrityunjay MJ Roy waana nin ganacsade awood balaaran leh isaga, xaaskiisa iyo wiilkiisa Rishi Roy xeebtaas ayee joogaan oo ay ka duceysanayaan Rishi Roy waa jilaaga lagu magacaabo Rajat Verma oo doorka Rishi ku jilaayo.

Si lama filaan ah Rishi ayaa meel sare kasoo dhacaayo waxuuna ku dhacaa badda hoos ayuuna u quusa waxaana lugta kag xiran xarig siriq ah oo uusan iska furi karin sidaa aawged wuu suuxa waxaa soo bad baadineyso Maya Jai Singh (Jennifer) oo xeebta keeneyso markuu indhaha kala qaado waxuu arkaa haweeyney qurux badan oo biyahaa ka daadayaan jirkeeda wada qoyan yahay isagoo dhan ayee soo jiidaneysa oo ay si fudud qalbiga kaga xadee.

Isla markii waxaa meesha imaanayaan waalidkiis oo baadi goobayeen halka Maya deg deg ku baxeyso muuqaalka xiga waxaa laguugu baraa Rudra Roy waa atooraha filimka waana jilaaga caanka ah Shivin Narang doorka Rudra ayuu kujilaa waxay walaalo yihiin Rishi oo isaga Rudra ah ayaa qoyska Roy u weyn waxuu leeyaha shirkad buugaagtaa daawacda oo ay shuraako ku yihiin atiriishada Kangan Baruah Nangia oo doorka Ananya filimka ku jileyso waxayna ilaa yaraantooda saaxiibo ahayen Rudra weyna jeceshahay ganacsi ayeena ku shuraakoweyn.

Maya ujeedkeda waxuu ahaa inee labadan wiil is barto hadii ay kulanka kowaad Rishi qalbiga kaga xaday oo ay soo jidatay si ka gadisan Rudra naceeb ayuu u qaada kulan kowaad maadama dagaalka seefta ku kulmayaan hadalo qalafsan ayaan dhexmarayaan ayadoo ku qabsaneyso sababta uu u daawacay warar xan ah oo nolosheeda gaarka ah ku saabsan.

Kadib waxaa xiga kulan dhexmaraayo Rudra iyo aabihiis Mr.Roy oo dagaal ka dhaxeyo Rudra aduunka ayuu u neceb yahay inuu aabihiis la hadlo xurguf hore ayaa jirto oo aan la ogeyn misane dhexmartay wiil iyo aabihiis waxuuna xanaaqa ka muuqda waa Rudra kadib waxaa lagu tusaa Maya oo buugeeda xusuus qorta isaga mashquulsan.

Gocosho hore ayee sameyenee waxayna heysataa sawirada labadan wiil ee walaalaha ah ayado wacad ku mareyso inee noloshooda iyo mida qoyska oo dhanba ay baabi’in doonto labadoodana (Rudra iyo Rishi) kala geyn doonto xili qoyska Roy u dabaal dagayaan sanad guurada Mr.Roy iyo xaaskiisa.

Dhamaad halkaas ayee ku dhamaane xalqada kowaad ee taxanaha Beyhadh 2 waxaa muuqata in Maya ujeed weyn leedahay suaalaha la isweydiinaayo ayaa ah maxay ka haleyeen qoyska Roy gabadhaan si qaas ah wiilasha qoyskan ee kala ah Rudra iyo Rishi maxay bar tilmaameed oga dhigatay waana atoorayaasha filimka inkastoo Rudra atooraha filimka kowaad yahay.

Lasoco xalqada labaad iyo kanaalkeena Filimside Media oo habeen walba idiin soo codeyn doonaan..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here