Xalqada ayaa ku bilaawaneyso ayadoo lagu tusaayo meel cido ah saxaro bacaad buuro ah misane ku yaalo Mandar hinduga ku caabuudan sanamka oo ay goobtaas cidlada ah isku guursanayaan lamaanaha kala ah Manyata iyo Keshav balse waxaa soo weerarayaan masas badan oo waaweyn oo guud ahan jiho walba ka hareereynayaan.

Masaskaan waa qabiilka masaska ee lagu magacaabo Sheshnag waxaana hogaaminayaan hooyada iyo aabaha dhaleen Manyatan oo masas ah iyagoo doonayan inee kaga digaan gabadhooda inee guursato nn Insi ah maadama iyada Bini’aadam aysan ahen oo ay tahay boqorada qabiilka Sheshnag ee masaska ah waana haweeyney mas ah hadana muuqaal insaan ah isku ekeysiin karto (Shape Shifting Serpant).

Manyata oo mas ah waxay ku adkeysane inee guursato ninkee jecleed xita hadii loo sheegay inee weyn doonto awoodeda oo ay wax walbo ku baabi’in jirtay kadib markee ninkaan bini’aadamka ah guursato halkaasna ku weyn doonto awooda maska ahed sidaas ay tahay wey guursane waxayna udhalee gabar yar.

Balse qoyska Keshav wey deyrinayaan wiilkooda maadama uu guursaday naag mas ah wey diidayaan inuu la dago guri gooni ayuu dagaa Keshav mudo kadib waxaa lagu tusaa Keshav qoyskiisa oo aqbaleen inee wiilkooda soo dhaweyaan waana xili Manyata awoodeda maska ay weysay markaana insaan caadi ah ayee noqotay.

Waxaa xiga in si lama filaan ah loo afduubanaayo qoyska Keshav dhamaantooda waxaana af duubanayaan xubno katirsan qoyska Parikh oo iyagu cadowtinimo ka dhaxeyso labada qoys xididna wada ah waxaana hogaamineyso Vrishalu oo ah hooyada dhashay Dev-ka atooraha filimka ah waxay rabtaa inee ogaato sirta ku guudan mandirka ay Manyata ku guursatay.

Waxay rabtaa inee ogaato nolosha Manyata qoyska Keshav ayeena weydiine suaalahas oo warar duul duul ah ayaa soo gaareen in Manyata mas ahaan jirtay waliba Naagin ahed balse hader awoodedi bur burtay qoyska ayaa diidayaan inee sirtan sheegaan kadib Dev hooyadiis waxay soo kaxeene qoyska Keshav ayadoo soo aadeyso dhulkii saxaraha ahaa ee ay isku guursadeen Keshav iyo Manyata.

Waxaana goobtaas kasoo tageen oo geel gaadiid ahaan usoo saaran Manyata, ninkeeda Keshav iyo gabadheeda yar iyago ku wajahan qoyska Keshav oo aqbaleen wiilkooda una waceen si halmeen ugu wada noolaadaan.

Dev hooyadiis oo xumaan maagan ayaa goobta ku dileyso Keshav reerkiisa oodhan waliba hortiisa ayee kudilee ayado ay garab siinaayan xubno katirsan qoyska Parikh kadib markii la diido sirta Manyata in lasheego xitaa Keshav ayee dilaayan oo Manyata waxay indhaheeda ku arkee ninkeeda iyo qoyskiisa oo la dilay.

Kadib waxaa xiga inee la carato gabadheeda intii laga dili lahaa maadama awooeda bur burtay si kastoo ay isugu daydo inee mas iksa dhigtana ma noqon karto awoodedana wey dhamaatay balse sidee u ordeyso buur dheer ayee koree weyna kaga daba tagayaan halkaas ayaa laga soo tuura Manyata iyo gabadheeda yar biyo ayeena kudhex dhacaayn ayagoo loo maleeyo inee dhinteen.

25 sano ayaa kasoo wareeganeyso waxaa lagu tusaa qoyska Parikh oo tarmay caruur badana ka dhashteen misane dhalinyaro noqdeen waxaana ugu horeyo Dev Parikh oo ah atooraha filimka waxaana loo dabaal dagaa oo la isku diyaarina xaflada dhalasho ee ayeeyada guriga ugu weyn.

Dev waxuu jooga dalka Qatar waana lagu tusaa isagoo Mobileka ayeeydiisa kaga hambalyeenaayo waxaa kaloo lagu tusaa Nia Sharma oo doorka Brinda ku jileyso waana gabar daryeesha ayeeyda guriga taaso u hambalyeneysa ayeeyadeed sido kale waxaa lagu tusaa Manyata gabadheedii yared oo weynaatay taaso lagu magacaabo Nayanthara (Jasmin Bhasin) waa 25 jir ciil iyo xanaaq ka muuqdo wacadna ku mareyso ine cadowgeeda dili doonto.

Dhamaad xalqada kowaad halkaas ayee ku dhamaane Manyata iyo gabadheeda ma dhiman waxayna Manyata wacad ku martay inee gabadheeda koriso indhaheeda ayeena ka dhex tusee gabadheeda cadowga aabahed dileen mid mid ayeena wajigooda u arkee Nayanthara haderna wey weeynaatay dagaal  ayeena usoo socota.

Lasoco xalqada labaad iyo kanaalka Filimside Media…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here