Kulanti wacan asaxaabta qiimaha badan waxaan halkaan idiin kugu soo gudbin doonaa labo qodob ugu waaweyn siraha Hercai ee qarsoon kuwaaso xan ahaan la isla dhexmaraayo meel walba maalmahan dambe.

Kahor inta aan la daawan xalqada 30-aad ayeena xantan soo shaac baxday ma ahan wax rasmi ah oo daaha laga qaaday balse eaa xan la filaayo inee xaqiiq noqoto hadaba hoos kaga bogo xanta:

1-xanta kowaad waxay tahay in Suldana ay dishay caruurtii Caziiza midaasna Caziiza ma oga waxaa og Elif balse ma xusuusna Elif arinkaa oo wey hilmaamsantahay sido kale waxaan ognahay in Elif hooyaded iyo Aabahed ay dishah Suldana midaasna Elif wey ogtahay dhowr jeer ayeena soo xusuusatay midaan xaqiiq ayeeba udhowdahay xan wey kasokeysa bal kawaran caziiza hade ogaato in Suldana caruurteda dishay.

2-xanta labaad waxaa la isla dhexmaraa in Harun oo ah ninka guursan rabo Yaren uu yahay wiil ay dhashay Dilshaah oo waaba Miran walaalkiis ayaa la leeyahay, haa Dilshaah inta aysan dhiman kahor Harun aye dhashay ayaa la sheegay waxuuna Harun u yimid aargoosi uu ka aargoosanaayo dilka hooyadiis la dilay.

Hadaba gabadha qarash gareyaha ah suaalihii la weydiiyay misane aan idiin kaga jawaabnay waxaa kamid ahaa Dilshaah ma nooshahay waxayna tiri maya la noola inkastoo aysan faah-faahinin jawaabta hadana waxaa la weydiiyay Harun waa kuma?

Waxayna tiri Harun cidu yahay qofka dhalay iyo xaqiiqadiisa dhamaan waxaa lagu ogaan doonaa xalqada 30-aad marka waxaan wada sugeynaa waa sabtida iyo xalqadan si aan u ogaano xaqiiqada jirta inkastoo dadka hader isla dhexmarayaan inuu yahay Dilshaah wiilkeda.

Adiga ahaan akhriste maxay kula tahay Harun intuu kasoo jeeda ma Dilshaah wiilkeeda mise Caziiza caruurteda ayuu kamid yahay maxay kula tahay fikirkaada inoo reeb mahadsanid….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here