Dhamaanteen waxaan wada ognahay in Aaradhya ay dhaleen ama waalid u yihiin xidigaha caanka ah Abhishek Bachchan iyo Aishwarya Rai sido kalena uu awoow u yahay Megastar Amitabh Bachchan waxaana la filaa mustaqbalka gabadhaan inee cagta soo dhigto shirkada Bollywoodka.

Waxaa jirto xan soo jireen ah iyo Aishwarya dhowaan wareysi ay bixisay qodob ay kudhawaaqday oo aad loo hadal hayey Aish waxay sheegtay in gabadheeda Aaradhya u maleyso aabahed inuu yahay jilaaga caanka ah Ranbir Kapoor halmae ayeena dhacdadan dhacday.

Ranbir oo jaakad u ek mida Abhishek wato ayee gabadha ku oroday una maleysay inuu aabahed yahay markeese aragtay wajigiisa ayee ogaatay inuu Ranbir yahay arinkaas ayaa la buun buuniyay Aish ayaase shaaca ka qaaday mida kale Aish waxay sheegtay in Aaradhya aad u jeceshahay Ranbir Kapoor sawiradiisa guriga u yaalaan.

Xanta laga qoray Aishwarya iyo Ranbir Kapoor: Waxaa la sheegay in xiriir uu dhexmaray Aish iyo Ranbir waliba filinka Ae Dil Hai Mushkil reer Bachchan ayagoo raali ka ahen ayee xidigtaan sameysay waayo waxay ogaayeen muuqaalada iskusoo dhowaanshaha ah ee iyada iyo Ranbir sameeyn doonaan arinkaasa Amitabh Bachchan wuu kasok horjeeday.

Big B aduunka sharafkiisa ayuu ugu jecelyahay maadama Aish magaca Bachchah wadato xaasna tahay muuqaladaas inee Ranbir la duubto wuu dhibsaday ileen war xun iyo xan in laga faafin doono ayuu sii cabiray weyna dhacday oo Aish wey ku adkeysatay ine sameyso filimka.

Sababto ah iyada ayaaba Ranbir ka hesho sikalena ma ahe la shaqeyntiisa ayee ka heshaa sido kale Karan Johar oo ka codsaday in filimkaan usameyso maya wey dhihi weyday ugu dambeyn Aish sheekada filimka iyo doorka ayaa cajab galiyay waxayse beenisay oo wax kama jiraan ku tilmaamtay xanta saxaafada iyada iyo Ranbir laga qoray iyo sawiradii laga qaaday ee sida weyn loo buun buuniyay.

Ugu dambeyn Abhishek iyo Ranbir waa saaxiibo nolosha dhabta ah xitaa kubada cagta ayee wada ciyaaraan waana isku koox waxaana wax kama jiraan ah in Abhishek iyo Ranbir is dagaalen markii Ae Dil Hai Mushkil la sameeyay 2016 waxaase la ilaawi doonin marnaba dareenka xad dhaafka ah ee Aish ku muujisay mashruuca Ae Dil Hai Mushkil oo dadka badanaa shaki galiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here