Home » Wararka Maanta » Xanta Maanta: Salman Khan Miyuu Qayb Ka Yahay Filimka Ajay Devgan Ee Tanaaji

Xanta Maanta: Salman Khan Miyuu Qayb Ka Yahay Filimka Ajay Devgan Ee Tanaaji

ajay devgan mashruuciisa ugu weynaa ee lagu magacaabo tanaaji waa mid maanta haysta hadal-haynta saxaafada waxaana maalin walba warbixin laga qoraa dhanka hogaamiyaasha filimkan

iyadoo doorkasta oo filimkan ka mid ah uu yahay mid muhiim oo saameyn wata iyadoo markii hore la sheegayay in saif ali khan uu doorka filimkan uu ku leeyahay boqorka india ninka lagu shivaji maharaj

laakiin saif ali khan oo hadda ku mashquulsan xayeesiin u sameynta filimkiisa bazaar ayaa arrintaas beeniyay waxa uuna sheegay inuu doorkiisa filimkan uu yahay laadarka filimkan

isagoo mar hore sii bilaabay duubista filimkan laakiin su’aasha lays weydiiyaya ayaa waxa ay ahayd kumaa jili doona doorka shivaji maharaj?

maanta waxaa la qoraya warbixin xiiso badan kaaso ah in salman khan uu qayb ka yahay filimkan isagoo ku leh door weyn kaaso ah boqorka India ninka lagu magacaabo shivaji maharaj

kaaso india maamulayay sanadkii 1674 miyay noqon doonta in ajay devgan oo hogaamiye ka ah filimkan iyo abaal-duulaha boqor-tootada iyo Salman khan ay dagaal weyn la geli-doonan laadarka filimkan ninka lagu magacaabo saif ali khan

ilaa hadda weli ma cada in salman khan uu marti muuqaal ah ku leeyahay iyo inay si toos ah kaga mid yahay mashruucan waxaana warbixin rasmi ah laga sugaayay soo saaraha iyo hogaamiyahah filimkan ajay devgan