Xanuun badanaa Furaat oo run xanuun badan u sheegay Gonul taxanaha Hercai.

0
7303

Xalqadii lasoo dhaafay waxaa jiray muuqaal xaqiiqda taabanaayo balse aanan anagu soo qorin waana marka Gonul uu damac ka galo iney dib usoo ceshato Miran waxaase la talinaayo misna run xanuun badan u sheegaayo Furat asigoo ku dhahaayo;

“Suurto gal ma ahan inaad lamaane noqotaan adiga iyo Miran marnaba waayo jaceylka uu Miran u qabo Reyyan dhamaad malahan, mana jiro shey ama walax dhexdooda gali karo, waa macquul iney ku noolaadaan xaalado ay isku careysanyihiin ama si kumeel gaar ah u kala go’aan, balse labadooda waa 1 loo qeybiyay labo sidaas darteed markii midkasta oo iyaga kamid ah uu helo gabalka ka maqan markale ayay is qasmi doonaan (is dhex gali doonaan yacni isku laaban doonaan)”.

Runtii Furaat xaqiiqda ayuu u sheegay Gonul wuxuuna u sheegayaa in Miran ay ka quusato misna qalbigiisa ayada boos uga banaaneen oo ay is qorqorka joojiso waayo Miran wuxuu ku noolyahay jaceylka Reyyan.

Hadaba akhristow sidee u aragtaa talada uu Furaat siiyay Gonul?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here