Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay in Director Luv Ranjan Filimkiisa xiga ee aan wali magaca loo bixinin ay hogaamiyaal ka yihiin xidigaha caanka ah Ranbir Kapoor iyo Shraddha Kapoor markii horena waxaa loogu talo galay ine wada sameyaan Ranbir Kapoor iyp Deepika Padukone.

Kooxda Filimka ayaa ku dhawaaqen in Shraddha Kapoor la jili doonto Ranbir mashruucan bedelkii Deepika tani waxay ka dhigantahay rajadii laga qabay inee dib uwada shaqeyaan Ranbir iyo Deepika inee meesha ka baxday.

Deepika culeys ayaa kusoo batay hader waxaa u diiwaan gashan Filimka 83 ee ay la jileyso seygeeda Ranver Singh kaaso howshiisa bilaawaneyso dhanka kale xidigtaan saacado kahor waxaan idiin la wadaagnay in laga saaray shirkadihii ay xayeysiimaha la sameyneysay.

CONFIRMED! Not Deepika Padukone, but Shraddha Kapoor to star opposite Ranbir Kapoor in Luv Ranjan's next

Filimkeeda Chhapaak ganacsigiisa liito, baraha bulshada oo lagu aflagaadeyay, taageerayaasheeda badankooda oo kahor imaadeen, shirkadihi xayeysiimaha oo qandaraasyadii heshiiska kala laabteen iyo Filimada oo bilaawatay in laga saaro dhamaan caqabadahan waxay ugu dhacayaan ardaydii muslimka ahaayen ee ay garab istaagtay.

Dabcan Deepika waa loo tashtay ayaa ladhihi karaa wixii kasoo kordha dhibka Deepika heysta kala soco Filimside dhanka kale Filimkaan Ranbir iyo Shraddha isla sameyn doonaan waa Filim jaceyl markii ugu horeysay ayeena shaashada wadaagi doonaa waxaana la daawan doonaa 26 Maarso 2021.

Dhanka shaqada Ranbir waxuu soo wataa sanadkaan Brahmasta iyo Shamshera, Deepika Chhapaak ayaa tiyaatarada usaaran halka Shraddha la imaan doonto sanadkaan filimkeeda Street Dancer 3D.

1 COMMENT

  1. Ali Aadan wllky lkn filmkan inee shardha kapoor lagu bedelay deepika waaxaa lagu dhawaqay bishii hore marka lalama xiriirin karo ka saarista filmkan iyo arimahan ee ay dhex gashay wax iska khuseeya majirto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here