Xaqiiqada ka dambeysa sideed jaceyl oo qaab nasiib darro ah uga fashilmay xiddigaha caanka ah ee shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood Film Industry ayaan kusoo qaadan doonaa maqaalkaan oo tixane inoo noqon doona.

Waxaana maanta sheekadeenna koowaad ka bilaabi doonaa xiriirkii jaceyl ee guuldarreystay ee dhexmaray jillaagii barisamaadkii Dilip Kumar iyo faynuustii fanka India Madhubala.

Feynuustii fanka India Madhubala ayaa xirii jaceyl oo dhab ah isla markaana qotadheer lasoo sameysay halyeeyga Bollywood Dilip Kumar.

Madhubala iyo Dilip Kumar lama aysan mid aheyn jillaayaasha kale ee Bollywood waqtigoodii, kamana aysan gamban jirin inay warbaahinta usoo bandhigaan jaceylka xad-dhaafka ah ee ay isku qabaan.Xaqiiqada ka dambeysa sideed jaceyl oo qaab nasiib darro ah uga fashilmay xiddigaha caanka ah ee shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood Film Industry ayaan kusoo qaadan doonaa maqaalkaan oo tixane inoo noqon doona.

Waxaana maanta sheekadeenna koowaad ka bilaabi doonaa xiriirkii jaceyl ee guuldarreystay ee dhexmaray jillaagii barisamaadkii Dilip Kumar iyo faynuustii fanka India Madhubala.

Feynuustii fanka India Madhubala ayaa xirii jaceyl oo dhab ah isla markaana qotadheer lasoo sameysay halyeeyga Bollywood Dilip Kumar.

Madhubala iyo Dilip Kumar lama aysan mid aheyn jillaayaasha kale ee Bollywood waqtigoodii, kamana aysan gamban jirin inay warbaahinta usoo bandhigaan jaceylka xad-dhaafka ah ee ay isku qabaan.

Qeyb ka mid ah buuggaas oo markii hore daabacaadda laga reebay, ayuu Dilip ku yiri: “Waa inaan qirtaa inay Madhubala si aan caadi aheyn iisoo jiidatay, waxaan jeclaa marwalba oo ay filim ila sameyneyso, sidoo kalena jaceyl shaqsi ah ayaan u qaaday. Waxaan ku duceysan jiray inaan helo gabar nuuceeda oo kale ah waqti walba”.

Dilip Kumar ayaa xitaa daaha ka qaaday in aabaha dhalay atariishadaan asal ahaan kasoo jeeda Afghanistan ee Ataullah Khan uusan kasoo horjeedin guurkooda.

Ataullah Khan wuxuu lahaa shirkad aflaanta maalgelisa, wuxuuna doonayey inuu ka faa’iideysto xiddignimada Dilip Kumar iyo Madhubala – isagoo usoo bandhigay qorshe ah inay gacmaha isheystaan illaa ay kasoo afjarayaan waayahooda jilliinka. Laakiin Madhubala (Mumtaz Jehan Begum Dehlavi) marnaba lama aysan dhicin aragtidaas, inkastoo aysan aabaheed u muujin.

Wixii intaas ka dambeeyey, Dilip wax walba ayuu fahmay. Xiriirkii jaceyl ee Dilip iyo Madhubala ayaana si lama filaan ah kusoo dhammaaday. Iyadoo illaa haatan aan la sharrixin sababtii ay labadoodu u kala boodeen.

Halkaan ayaan kusoo afjareynaa sheekada koowaad ee xaqiiqada ka dambeysa sideed xiriir oo si nasiib darro ah u guuldarreystay kuwaasoo dhexmaray xiddigo caanka ah shirkadda Bollywood.

Jaceylkii fashilmay ee Dev Anand iyo Suraiya ayaan kusoo qaadan doonaa sheekadeenna xigta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here