Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyiin U Gaar Ah Filmka Blockbuster-ka Weyn Noqday Rowdy Rathore!!

Xaqiiqooyiin U Gaar Ah Filmka Blockbuster-ka Weyn Noqday Rowdy Rathore!!

Rowdy Rathore waa film Action ah oo Akshay Kumar hogaamiye ka yahay halka Sonakshi Sinha iyo jilayaal reer koonfur ah mashruucan wax ka jileen.

Filmkan waxaa la daawaday maanta oo kale 1 June 2012 waana mashruuc Blockbuster noqday, hadaba waxaan idiin kaga heynaa xaqiiqooyin u gaar ah mashruucan halkaan hoose kaga bogo.

Xaqiiqada 1aad: Akshay Kumar filmkaan tabobaar qaas ah oo dhanka dagaalka ah ayuu u galay isagoo horey u garanaayey dagaalka noocyadiisa kala duwan.

Xaqiiqada 2ad: Akshay Kumar waxuu hada kahor sheegay in mashruucan uu u ogalaaday sameyntiisa maadama wiilkisa Aarav Kumar jecelyahay inuu marwalba daawado aabihiis oo film Action sameynayo.

Xaqiiqada 3aad: Fanaanka caanka ah Kumar Sanu ayaa filmkaan hees heer sare ah kuleh in badana waa la dareemay soo laabashadiisa markii uu heeskan ku luuqeyay waana heeska “Chamak Challo Chel Chbelli” mudo dheer ayuuna fanka ka maqnaa xidigaan.

Xaqiiqada 4aad: Akshay Kumar Iyo Sonakshi Sinha oo markii ugu horeysay shaashada iskala soo muuqden filmkaan ayaana mashruucoda kowaad.

Xaqiiqada 5aad: Waa filmkii kowaad ee Sanjay Leela Bhansali kaligiis maalgaliye ka noqdo kaaso Action ah maadama aflaamta Actionka Sanjay awal lala maal galin jiray.

Xaqiiqada 6aad: Sheekada filmkaan waxaa laga soo xigtay filmka Telugu ah ee Vikramarkudu ee Ravi Taji hogaamiyaha ka ahaa.

Xaqiiqd 7ad: Waa filmkii labaad ee Sonakshi Sinha sameyso kadib filmkii Dabangg ee ay kusoo caan baxday kaaso uu Salman Khan hogaamiye ka ahaa.

Xaqiiqada 8aad: Waa mid kamid ah aflaamta Akki laba door ku jilay balse waa midkii kowaad ee uu uguulesta aflaamta uu labada door ama labad waji kujilay .

Dhamaad..