Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyiin U Gaar Ah Filmka Shactirada Badan Ee Phir Hera Pheri Wax Badan Ka Ogow!!

Xaqiiqooyiin U Gaar Ah Filmka Shactirada Badan Ee Phir Hera Pheri Wax Badan Ka Ogow!!

Phir Hera Pheri waa qeybta labaad ee filmka Hera Pheri waana taxano aad loo jecelyahay shactiro badana eh inaba caadi ma aha Paresh Rawal sida uu taxanahan labadiisa qeybood kaga baxsaday.

Waxaa la daawaday maanta oo kale 9 June sanadkii 2006 ayadoo ay hogaamiyaal ka ahaayen Akshay Kumar, Suniel Shetty iyo Paresh Rawal sido kalena ganacsi wacan sameyay Super Hit-na noqday.

Fadlan Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqada Mashruucan Laga Diiwaan Galiyay:

Xaqiiqada 1aad: Priyadarshan oo qeybtii kowaad Director ka noqday mashruucan wuu diiday in uu qeybta labaadna sameyo maadama uu iska dhaa dhiciyay in qeybta labaad loo baahnen in laga sameyo hadii ay dhacdano uusan guul gaareenin ayadoo guusha filmkaan qeybta kowaad ku eked sida uu iska dhaadhiciyay.

Xaqiiqada 2aad: Priyadarshan markii uu diiday filmkaan inuu sameyo waxuu sameyay filmka Chup Chupke ee Shahid Kapoor dhagoolka ku jilaayey halmaalin ayana labadan film tiyaatarada la isla saaray waxaana dhacday in Phir Hera Pheri noqday Super Hit weyn halka Chup Chupke noqday Average.

Xaqiiqada 3aad: Sababo jiray aawged Bipasha Basu iyo Rimi Sen codkooda waa laga jaray filmkaan ayadoo dadkale ay u codeyeen.

Xaqiiqada 4aad: Suniel Shetty aad ayuu oga xumaaday in filmkaan muuqaladiisa qaarkood la faafreebay oo la jaray waxuuna eedas dusha kaga tuuray Akshay Kumar balse Akki ayaa ayaa difaac galay sheegayna in uusan arinkaas ka dambeenin sido kalena wuxuu sheegay in isaga naftiisa uuba kooxda filmka uu ku amray in heeskiisa “Kitne Armaan” inee jaraan haaf dhan.

Xaqiiqada 5aad: Lara Dutta ayaa filmka saxiixtay hadana markii dambe wey isaga baxday maadama dib u dhacay mashruucan.

Xaqiiqada 6aad: Mar uu Akshay Kumar filmkaan qiimeynaayey waxuu yiri “waa film aan micno laheen kaliyana dadka qosolka rabaan iska daawan karaan hadana saas eetahay guul aan la filaneynin ayuu gaaray waana wax waali ah in uu Super Hit weyn noqdo.”

Xaqiiqada 7aad: Bipasha Basu aad aye ugu xanaaqday kooxda filmkaan maadama codkeeda qofkale u hadashay ama codkeeda laga jaray qofkalena u codeysay ayadoon waxba loo sheegin xitaa hadii loo sheegi  lahaa wey ku farxi laheed xidigtan sida ay sheegtay.

Dhamaad…

3 Responses to Xaqiiqooyiin U Gaar Ah Filmka Shactirada Badan Ee Phir Hera Pheri Wax Badan Ka Ogow!!

  1. Ahmed Yoolah

    June 10, 2018 at 3:47 am

    Ramadan mubarak
    Waxan ahau aqristaha ugu aqriska badan fadlan waxa dalbanaya codsi ii gaar ah
    Waana xaqiiqoyin u gaar ah gilimka ishaqzaade ee arjun kapor jilay 2012 ki waa gilim aan aad ola dhacay muslim iyo hindu ka jadlaya fadlan qisadisa asalkeda iyo xaqiiqoyin u gaar ah soo bandhiga waa iga codsi fadlan iigana jawaaba codsigayga aad ayaan idin qadariya mar walba ii qadariya codsigayga fadlan mahad sanidin in badan

    • Zakarie Abdi

      June 10, 2018 at 10:01 am

      Adiga mudan walaal codsigaaga waan kuu tixgalin doonaa insha Allah.

      • Ahmed Yoolah

        June 10, 2018 at 10:56 pm

        Mahad sanid ustaad aad baa kaaga mahad celinaya waqtiga aad siisay aqriska codsigayga iyo jawabta aad iiga farxisay waana sugaya insha allah waliba beejka waxa ka jartay meeshi searching ka aan raadin jirnay filimada in aad soo celisay baana rajeenaya searching ka mahad sanid ustaad Eid Mubarak