Hadaba ka fiirso inta aadan dhihin kani waa jillaa aan jeclahay oo ka tirsan Bollywood Film Industry! – Sababtoo ah maqaalkaan waxaan kuugu soo bandhigi doonaa caadooyin, calaamado iyo waxyaabo u gaar ah xiddigaha ugu caansan Bollywood-ka.

Xiddigaha Bollywood waa kuwo meel walba aada, sidoo kalena goobta ay aadaan waxyaabo badan laga qoro maalin walba. Sidaas darteed ma jirto nolol u gaar ah… Maqaalkaanse waxaan kuugu soo gudbin doonaa xaqiiqooyin u gaar ah xiddigaha caanka ah ee Bollywood.

HRITHIK ROSHAN

Xitaa haddii aad taageere weyn u tahay Hrithik Roshan – ma ogid in magac qoyseedkiisu uu yahay Nagrath oo uusan aheyn Roshan.

Sidaas oo kale magaca aabihiis Rakesh Roshan xitaa waa inuu isbedel ku dhaco oo lagu daro Nagrath marka qoyska lagu af-tirsanayo.

RANVEER SINGH

Jillaa ahaan wuxuu awood u leeyahay inuu qof walba dareensiiyo inuu ka mid yahay madaaleyaasha Bollywood. Qaabka qariibka ah ee uu u lebisto, ama waxyaabaha qosolka leh ee uu sameeyo ayaana sabab u noqda inuu maalin walba warkiisu saarnaado bogaga sarre ee warbaahinta.

Laakiin miyaad ogtahay inuu magaciisa dhabta ah yahay Ranveer Singh Bhavnani? Mase ogtahay, inay ilmo-habreed yihiin Sonam Kapoor?

AKSHAY KUMAR

Si la mid ah jillaayaal badan oo Bollywood ah, Akshay Kumar waa shaqsi awooddiisa isku soo saaray. Wuxuu kasoo baxay nolol adag ka hor inta uusan fooqa sarre ka gaarin Bollywood.

Akshay Kumar xitaa wuxuu soo noqday kabalyeeri, wuxuu soo bartay karataayga. Wuxuu hadda dumarka oo dhan ku dhiirigeliyaa inay bartaan difaac-nafsia (Self-defense). Sidoo kale waa shaqsi dhanka cibaadada ku wanaagsan (Diinta uu heysto).

Balse waxaa intaas dheer, Akki isagoo aan qorin labada xaraf ee ‘OM’ – marnaba wax kuma qoro warqad.

KALKI KOECHLIN

Kalki muran la’aan waa atariisho tayo badan. Laakiin taariikh ahaan qoyskeeda ayaan wax kaaga sheegeynaa.

Abkowgeed Maurice Koechlin wuxuu ahaa madaxii Engineer-dii dhisay Eiffel Tower oo ah taallada caanka ah eek u taalla dalka France, gaar ahaan caasimadda Paris.

AMITABH BACHCHAN

Waa jillaa aad loo garanayo sidaas darteed faahfaahin uma baahna. Laakiin marka laga tago awooddiisa jillaanimo.

Ma ogtahay inuu Amitabh Bachchan si isku mid ah labadiisa gacmood wax ugu qori karo?

PRIYANKA CHOPRA

Waa midda ruxday Bollywood iyo Hollywood, Priyanka Chopra waxay sidaas ku heshay aqoonsi caalami ah. Waxaana la siiyey abaalmarinta National Opus Honour Choir.

Sidaas darteed waa jillaaga keliya ee u dhashay dalka India ee qaata abaalmarintaas qiimaha ka leh Hollywood-ka Mareykanka.

AAMIR KHAN

Mr. Perfectionist waxaa awoowe koraad u ah Abdul Kalam Azad oo ahaa hogaamiyihii Indian National Congress intii lagu jiray dhaqdhaaqii xornimo-doonka dalka India.

Sidoo kale qoys ahaan waxay xiriir wadaagaan madaxweynihii hore ee dalka India Dr. Zakir Hussain.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here