Xaqiiqooyin U Gaar Ah Abhishek Bachchan Filmkisa Guru Kaaso Maanta Oo Kale La Daawaday!!

Waxaa maanta oo kale 12 Jan sanadkii 2007 la daawaday Abhishek Bachchan filmkiisa Guru kaaso ay la jileen xidigaha kala ah Aishwarya Rai Bachchan, Mithun Chakraborty, R,Madhavan iyo Vidya Balan.

Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmkaan:

Xaqiiqada 1aad: 2 maalin marka uu tiyaatarada saarna 14 Jan 2007 waxaa lagu dhawaaqay faraanti galiska Aishwarya Rai Bachchan iyo Abhishek Bachchan halka arooskod auu dhacay 20 April 2007.

Xaqiiqada 2aad: Vivek Oberoi ayaa markii hore saxiixday doorka R.Madhavan filmkaan kujilay balse marka uu maqlay hadal heynta Abhishek iyo Aishwarya iyo inee goor dhow is guursan rabaan ayuu isaga baxay xidigaan waxaana lagu bedelay R.Madhavan.

Xaqiiqada 3aad: John Abraham ayaa lala rabay inuu jilo doorka Shyam Saxena filmkaan kujilay balse xidigaan waqtiga ayaa ku yaraaday fursadna wuu u waayey uu ku duubo doorkas maadama mashaaric kale uu ku mashquulsana xiligaas.

Xaqiiqada 4aad: Mithun Chakraborty iyo Abhishek Bachchan ayaa markii ugu horeysay filmkaan kasoo wada muuqden sido kale Mithun wuxuu la soo shaqeyay Big B maadama uu la sameyay filmada kala ah Ganga Jamnua Saraswati iyo Agneepath.

Xaqiiqada 5aad: Waa filmkii sedexaad ee Mithun kasoo muuqdo kaasi oo magaca Guru wato maadama horey uu oga soo muuqday 2 film oo magaca Guru ka bilaawanayan mid kamid ahn Film Bengali yahay.

Xaqiiqada 6aad: Aamir Khan ayaa mar loo qorsheyay inuu filmkaan hogaamiye ka noqdo balse ma dhicin oo qorshahaas waa laga talo baxay sababo aan la ogeyn aawged.

Xaqiiqada 7aad: Rani Mukerji ayaa markii hore lala rabay inee atirisho ka noqoto filmkaan balse Rani mashquul ayee ahed xiligaas fursad ayee u weysay ay ku duubto filmkaan.

Dhamaad….