Xaqiiqooyin U Gaar Ah Aftab Filmkiisa Kasoor Ee Maant Oo Kale La Daawaday!!

Kasoor waa mashruuc hirgalay heesihiisan aad iyo aad u gadmeen film ahaana aad loola dhacay inkastoo guushisa dhex dhexaad noqotay xiligiisa.

Filmkaan waxaa hogaamiyaal ka ahaayen Aftab Shivdasani iyo Lisa Ray waana film natiiso ahaan noqday Average lana daawaday maanta oo kale 2 Febraayo Sanadkii 2001.

Xaqiiqada FIlmkaan Laga Qoray Halkaan Hoose Kaga Bogo:

Xaqiiqada 1aad: Atirishaa Sushmita Sen ayaa markii hore saxiixatay doorka Lisa Ray e ah inee atirisho ka noqoto filmkaan balse waxay isku dhaceen Director-ka filmka Vikram Bhatt kadibna mashruucan oodhan way kabaxday xidigtaan…

Xaqiiqada 2aad: Anil Kapoor aya dhankisa saxiixday doorka Aftab ee filmkaan balse wuu iska dhaafay mashruucan maadama uu ku mashquulsana duubista filmkiisa Nayak sida awged fursad ayuu u waayey.

Xaqiiqada 3aad: Heeska Zindagi Ban Gaye Ho Tum waxay noqotay hees laga daba dhaco sifiicana u gadanta inkastoo heesaha filmkaan oo dhan la wada jeclaaday si wanaagsana u gadmeen..

Xaqiiqada 4aad: Aftab filmkaan waa loo codeyay waxana u codeyay Director Vikram Bhatt sida caadadisa ahedba maadama Filmsameyahan atorayal badan uu horey ugu codeyay..

Xaqiiqada 5aad: Divya Dutta waxay filmkaan u codeysay atirishada Lisa Ray mana ku maqlesid filmkaan codka Lisa Ray.

Fadlan Halkaan Hoose Ka Daawo Heesihii Ugu Caansanaayen Filmkaan…

 

Dhamaad….