Xaqiiqooyin U Gaar Ah Ajay Devgan Filmkiisa Haqeeqat Kaaso Maanta Oo Kale La Daawaday!!

Haqeeqat waa film Super Star Ajay Devgan qaab jiliin ahaan kufara yareestay waana film uu aad ugu xarakeynaayo.

Filmkaan waxaa hogaamiyal ka ah Ajay Devgan, Tabu iyo Amrish Puri waxaana la daawaday maanta oo kale 29 Dec sanadkii 1995

Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqada Filmkaan:

Xaqiiqada 1aad: Kadib markii sanadkii 1994 Ajay Devgan iyo Tabu la yimaaden filmkii Hit-ka weyn noqday ee Vijaypath waxay markale sanadkii 1995 la yimaadeen filmkaan Haqeeqat balse markaan wuu ka guuldarestay filmkaan.

Xaqiiqada 2aad: Atirishada Preity Zinta ayaa Director caawiye ka ahed filmkaan maadama xiligaas ay fanka soo galeysay waxayna shaqadeeda ka bilawday inee caawiso Directors-ka.

Xaqiiqada 3aad: Haqeeqat waa film dhanka Box-officeka guuldaro kala kulmay maadama uu noqday Below Average mana laga fileynin midaan maadama Ajay filmkaan laba door kala duwan kujilay isagoo hal waji isticmaalayo shaashada waana qaab jiliin heer sare ah oo uu Devgan amaan lixaad leh ku muteystay.

Xaqiiqada 4aad: Filmkaan hees kujirto ee lagu magacaabo Dil Ne Dil Se waxaa ku luuqeyay heeskan fanaanka lagu magacaabo Hariharan hadaba fanaanakan ama heesagan ayaa heeskan ugu tartamay heesaga ugu wanaagsan ee shirkada abaal marinta bixiso Filmfare Award.

Xaqiiqada 5aad: Waa filmkii labaad oo ay kasoo wada muuqdaan Ajay Devgan iyo Tabu maadama filmkooda koowaad ahaa Vijaypath kaaso guul taariikhi ah gaaray.

Dhamaad….

 

 

 

3 Comments

    • walal adiga qoraalka sifiican u akhriso filmka labaad ee ay wada keenen unbaan ka wadnaa ee cimri ahaantoda 2 film ayee keenen ma aynan dhihin waan ognahay 2 film kabadan inee wada sameyeen Ajay iyo Tabu xitaa 6 film kabadan ayaa lahelaa

Comments are closed.