Aflatoon waa mid kamid ah aflaamta Akshay Kumar labada waji kujilay waayihiisa fanka waana film madadaalo, Qayaamo iyo Action isku dhexjirto ah.

Waxaa la daawaday maanta ookale 19 Dec 1997 waxaana hogaamiyaal ka ahaayen Akshay Kumar oo laba waji kumatalaayo iyo Urmila Matondkar.

Directorka filmka waa Guddu Dhanoa sido kale isla Director-ka ayaa maalgaliye na ka ah filmkaan dhanka Box-office-kana wuxuu ka noqday Flop ama film guuldarestay.

Halkaan Ka Akhriso Xaqiiqada Filmkaan Laga Qoray Kuwooda Ugu Macquulsan:

Xaqiiqada 1aad: Heeska magaca filmka Aflaton markii la daawaday muran ayuu dhexda kagalay filmkaan ayadoo heeskaas lagu eedeynaayey in dalla India ereyo loogu aflagaadeynayo kudhexjiraan.

Xaqiiqada 2aad: Heesaaga ama fanaanka caanka ah ee Remo Fernande ayaa dacwada ku aadan ama eedenta heeska aflatoon wax kama jiraan ku tilmamaay sido kalena ereydaas aysan kujirinba gabi ahaan heeska balse ay yihiin kuwa loo ekeeysiyay waxay dadka wadaan.

Xaqiiqada 3aad: Mamta Kulkarni ayaa ahed dooqa koowaad ee atirishonimo ama inee atirisho ka noqoto filmkaan ayaa la rabay balse wey iska diiday xidigtaan doorkas.

Xaqiiqada 4aad: Waa mid kamid ah aflaamta Akshay Kumar labada waji kumatalay kuwaaso Box-officeka aanan wax guul ah ka gaarin kuna fashilmeen ganacsi ahaan.

Xaqiiqada 5aad: Daawashada Filmkaan ama xiliga la daawan lahaa dhowr bil ayaa dib loo dhigaayey kadib markii dood culus ay kadhex taagned heeskale oo filmkaan kujirtay taaso ayadana la isku heestay.

Xaqiiqada 6aad: Maxkamada ayaa kooxda filmkaan ku amartay inee heeskaas la isku heesto taaso ahed mowduuc filmka ka baxsan ah in laga jaro ama laga tirtiro gabi ahaanba filmka waxaana dhacday markii dood badan jirtay kadib in heeski la jaray ama la tirtiray kadib uun ba filmkii tiyaatarada la saaray.

Xaqiiqada 7aad: Waa filmkii koowaad iyo kii ugu dambeyay ee abid kasoo wada muuqdan Akshay Kumar iyo Urmila mana jiro film kale ee ay wada sameyeen xidigahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here