Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Akshay Kumar Filmkaisa Jolly LLB 2 Maanta Oo Kale La Daawaday!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Akshay Kumar Filmkaisa Jolly LLB 2 Maanta Oo Kale La Daawaday!!

Jolly LLB2 waa film la daawaday maanta oo kale sanadkii hore bilawgiisa xili ay taariikhda ku beegneyd 10 Febraayo 2017 waana mashruuc guulestay waliba guul wacan gaaray.

Waxaa hogaamiye ka ahaa Super Star Akshay kumar kaaso filmkaan uu ku jilaayey qareen ama abuukaate waana door kucusub xidigaan oo uu markii ugu horeysya jilay.

Jolly LLB2 waa qeybta labaad ee filmkii Arshad Warsi horey u jilay Joll LLB waxuuna Akki mashruucan ka dhigay mid Hit dhamestiran ah isagoo darajada 100 Crore gaarsiyay.

Hadaba waxaan idiin heynaa xaqiiqada filmkaan laga diiwan galiyay fadlan halkaan hoose kaga bogo xaqiiqooyin u gaar ah filmka Jolly LLB 2:

Xaqiiqada 1aad: Akshay kumar duubista filmkaan waxuu ku dhameyay mudo 30 maalmod ah wana iskoor cusub oo uu xidigaan dhigay xiligaas.

Xaqiiqada 2aad: Akshay Kumar filmkaan hal nooc oo kabo ah ayuu xirana bilawga filmka ilaa dhamaadka mana iska bedelaayo kabaha uu filmkaan ku bilaway duubistooda.

Xaqiiqada 3aad: Waa qeybta labaad ee Jolly LLB 2 kaaso ay horey ugu xifaaltamen Arshad Warsi iyo Boman Irani misane guusha heerka sare ah gaaray.

Xaqiiqada 4aad: Jilaaga Anu Kapoor ayaa markii labaad qareen ku jilaya film uu Akshay hogaamiye ka yahay waxaana xasuusana filmkii Aitraaz inu sidan oo kale qareen kujilay.

Xaqiiqada 5aad: Waxaa la isla dhexmaraayey in atooraha Arshad Warsi uu muuqaal marti ah ku lahaan doono mashruucan maadama uu qeybtiisa kowaad hogaamiye ka ahaa.

Xaqiiqada 6aad: Akshay Kumar waa markii labaad ee uu magaca Jolly film loogu yeero maadama hada kahor filmkii Houseful 2 magacan loogu yeeray ee la daawaday sanadkii 2012.

Xaqiiqada 7aad: Waa markii ugu horeysay oo AKshay kumar iyo Huma Qureshi shaashada wadaagan maadama y filmkaan atirisho ka tahay.

Xaqiiqada 8aad: Akshay Kumar iyo Saurabh Shukla waa markii ugu horeysay oo ay wada shaqeyaan filmkaan ayuuna noqday filmkoda kowaad oo ay shaashada kasoo wada muuqdaan.

Dhamaad….

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *