Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Akshay Kumar Filmkii Uu Ku Kaabeyay Khilaadiyon Ka Khiladi!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Akshay Kumar Filmkii Uu Ku Kaabeyay Khilaadiyon Ka Khiladi!!

Waxaa maanta oo kale la daawaday filmka Khiladiyon Ka Khiladi kaaso ah mashruuc uu Akshay Kumar kufaano maadama uu Super Hit weyn u noqday.

Waxaa kaloo filmka wax ka jilayaan Raveena Tandon, Rekha, Indra Kumar, Gulshan Grover iyo kuwa kale halka uu Director ka yahay Umesh Mehra.

Halkaan hoose kaga bogo xaqiiqooyin laga diiwaan galiyay mashruucan..

Xaqiiqada 1aad: Waa mid kamid ah taxanaha Khiladi isagoo midkiisi afaraad waliba Super Hit weyn ayuu noqday midkaan..

Xaqiiqada 2aad: Heesaha filmkaan oodhan waxaa lagu duubay wadanka Ruushka waxaana ugu caansaned heeska Hume Hai Seedhe Sadhe oo ah hees u shacabka isku baraaayo.

Xaqiiqada 3aad: Atirishada Dimple Kapadia aya markii hore saxiixatay filmkaan balse markee ogaatay in ay duubeyso muuqaal isku soo dhowaansho misane qaawani ay la muujineyso wey iska diiday waxaana doorkas jishay Rekha.

Xaqiiqada 4aad: Waa filmkii kowaad ee hindi ah kaasi oo ay kasoo muuqdaan dadka ciyaara ciyaarta musaaricada loo yaqaan WWE..

Xaqiiqada 5aad: Shrikad Filmfare Awards ayaa Rekha filmkaan kusiisay abaal marinta atirisho caawiso mida ugu wanaagsan..

Xaqiiqada 6aad: Brian Lee waxuu dhaawacay Akshay Kumar filmkaan ninkaana waa nin looga haray ciyaarta musaaricada taaso kaliftay in Akki mudo Hospital jiifay isagoo ka sheeganaayey dhabarka..

Xaqiiqada 7aad: Guusha filmkaan laba arin ayaa lagu saleyaay mida kowaad dadka hindiga ah oo si weyn u jecel WWE markii ay maqleena in dadka cayaara ciyaartan ay ka soo muuqanayan filmkaan wey usoo daawasho taageen mida labaadna waa heeska uu Akki isku baraayo Bollywoodka uu ku leeyahay “ma ahi Amitabh Bachchan oo mana ahi Dilip Kumar waxaan ahay Akshay (Kumar).”

Halkaan hoose ka daawo heeska oo muuqaal ah..

Dhamaad….

 

One Response to Xaqiiqooyin U Gaar Ah Akshay Kumar Filmkii Uu Ku Kaabeyay Khilaadiyon Ka Khiladi!!

  1. Abdirahman Sudaysi

    June 14, 2018 at 11:36 pm

    Ali Aadan: xaqiiqoyinka filmka Waxa ka mid ah
    oo ugu Muhiimsan inuu noqoday Filmkii ugu bilaabashada wanaagsanaa dhamaan filimadii la daawaday 1996.

    kumana ad so darin