Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Emran Hashmi Filmkiisa Aksar Ee Maanta Oo Kale La Daawaday!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Emran Hashmi Filmkiisa Aksar Ee Maanta Oo Kale La Daawaday!!

Atooraha Emran Hashmi waxaa maanta oo kale u soo baxay filmkiisa guusha wacan gaaray ee Aksar kaasona la daawaay maanta oo kale 3 Febraayo sanadkii 2006.

Filmkaan waa film qayaano iyo dareen isku soo dhowaansha isku dhex jirto ah wuxuuna noqday Semi Hit isagoo Hit qarka usaarnaa waana mashruuc guul wacan gaaray.

Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqada Filmkaan Laga Diiwaan galiyay!!

Xaqiiqada 1aad: Celina Jaitly ayaa markii hore saxiixatay filmkaan inee atirisho ka noqoto balse markii dambe gabadhan wey isaga baxday mashruucan waxaana lagu bedelay Udita Goswami.

Xaqiiqada 2aad: Atooraha Ashmit Patel ayaa dhankisa saxiixday mashruucan balse wuu isaga baxay asna waxaana booskisa lagu bedelay Dino More.

Xaqiiqada 3aad: Irrfan Khan aya asna saxiixday mashruucan balse xidigaan kama bixin mashruucan ee waa laga saaray waxana booskisa lagu bedelay Rajat Bedi ilaa hadana lama oga sababta looga saaray.

Xaqiiqada 4aad: Markii la dhameyay qorista sheekada filmkaan Filmsameye Anant waxuu mashruucan u dhiibay xidigaha kala ah Fardeen Khan, Zayed Khan iyo Priyanka Chopra balse sedexdoodaba wey ku gacan seereyn weyna iska diiden mashruucan.

Xaqiiqada 5aad: Tara Sharma  Oo filmkaan wax ka jishay codkeda waa laga bedelay filmkaan oo waa loo codeyay ama qofkale ayaa u hadlaayo.

Xaqiiqada 6aad: Filmkaan waxuu noqday Semi Hit isagoo qarka u saarna inuu Hit dhamestiran noqdo waxaana ugu wacned Music-gada daawadayasha soo jiiten iyo muuqalada shumiska ee Emran hashmi filmkaan kusoo bandhigay.

Xaqiiqada 7aad: Filmkaan waxay isku dhaceen oo halmaalin tiyaatarada la isla saaray filmka Mere Jeevan Saathi waxaana guusha raacday filmkaan maadama uu noqday Semi Hit halka Mere Jeevan Saathi uu noqday Disaster ama film bur buray..

Dhamaad…..