Home » XAQIIQOOYINKA FILIMADA » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Akele Hum Akele Tum (Oohin Aadan Celin Karin Ayuu Aamir Kaakena Filmkaan)

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Akele Hum Akele Tum (Oohin Aadan Celin Karin Ayuu Aamir Kaakena Filmkaan)

Akele Hum Akele Tum (Anagu Kali ayaan nahay sida adiga kali u tahay ookale) waa film jaceyl ah oo aad qiiro uleh waxaana la daawaday maanta ookale 1 Dec 1995 waxaana xusid mudan in tiyaatarada lala saaray filimka Ram Jaane.

Waxaa hogaamiyaal ka ah filimkaan Aamir Khan iyo Manisha Koirala waxaana Director ka ah Mansoor Khan halka uu soosare ka yahay Ratan Jain.

Inkastoo filimkaan ganacsi ahaan guuldarestay hadana bandhiga Mr. Prefectionst waa mid uu amaan lixaad leh kuhelay wuxuuna dadka xasuusiyay inuu wali yahay Aabaha Jaceylka.

Fadlan Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqooyin U Gaar Ah FIlimka Akele Hum Akele Tum:

Xaqiiqada 1aad: Shah Rukh Khan ayaa loo bandhigay filimkaan inuu hogaamiye ka noqdo balse SRK wuu iska diiday asigoo udiiday maadama uu dareemay in filimkaan qiiro badan oo jaceyl leeyahay.

Waxayna xiligaas ahed xili uu SRK necbana inuu sameyo aflaamta jaceylka ah waayo dooqisa ma ahen filimada jaceylka ah inuu sameyo xiligaas.

Xaqiiqada 2aad: intii lagu guda jiray qorista lexanka Musicda heesaha filimkaan waxaa iskudhacay oo dagaal dhexmaray labada Music yaqaanka ah ee Majrooh Sultanpuri iyo Anu Malik sababto ah Majrooh Sultanpuri wuxuu ku andacoonayey in Anu Malik marhoreba qoray lexan badan oo Music-da heesahan ah sido kalena Majrooh Sultanpuri kama uusan helin Music-da la saaray heesha ‘Raja Ko Rani Se.’

Xaqiiqada 3aad: Waxaa tiyaatarada lalasaaray filimkaan filimka Ram Jaane waxaana dhacday in filimkaan laga awood bato oo Box-officeka lagu garaaco.

Xaqiiqada 4aad: Super Star Govinda ayaa sido kale loobandhigay filimkaan inuu hogaamiye ka noqdo balse mashquul weyn oo heystay aawged wuu ka cudurdaartay waayo xiligaas mashaariic fara badana ayuu ku mashquulsanaa.

Xaqiiqada 5aad: Waa dib usameynta filimka Hollywoodka ah ee  “Kramer Vs. Kramer.”

Xaqiiqada 6aad: Heeska Raja Ko Rani Se Pyar wuxuu noqday hees laga dabo dhaco xiligaas aadna u jeclaadan daawadayaasha in badan.

 

Dhamaad…….

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *