Director: Vishnuvardhan

Soo saare: L. Suresh & Abdurrahman. M

Jilaayaasha: Ajith Kumar, Nayanthara, Prabhu, Namitha, Rahman & Adithya Menon

Xiliga la daawaday: 14 Dec 2007

Natiijadiisa: Blockbuster

Qiimeynta fariintiisa: 7.2/10 IMDb Rating.

Xaqiiqada 1-aad: Ajith Kumar dhamaan ficilada halista ah ee filimkan kusoo bandhigay isaga ayaa sameeyay waana arin lala yaabay sida uu halista ugu bareeray.

Xaqiiqada 2-aad: Billa sheeko ahaan waxaa laga soo qaatay filimkii Tamil ka ahaa Billa (1980) ee Superstar Rajinikanth sameeyay isagana sheeko ahaan waxaa laga soo xigtay filimkii Bollywood ka ahaa Don (1980) Superstar Amitabh Bachchan sameeyay.

Xaqiiqada 3-aad: Bilawga filimkan Director Vishnuvardhan wuxuu u mahad celinaa Superstar Rajinikanth madaama uu aqbalay in filimkan dib loo sameeyo sidoo kalena xafladii ku dhawaaqista mashruucan uu soo xaadiray.

Xaqiiqada 4-aad: Prakash Raj (See rabtaa) ayaa loo bandhigay door muhiim ah inuu filimkaan ku yeesho balse wuu ka mashquulay waxaana lagu badalay Prabhu.

Xaqiiqada 5-aad: Filimka Billa waxaa duubis lagu bilaabay April 2007 sidoo kalena 14 Dec 2007 tiyaatarada ayaa la saaray waxaana loo doortay filimka kaliya ee Tamil ahaa sanadii 2008 lagu soo bandhigay xafladii 61-aad ee Cannes Film Festival lana qabtay 14 ilaa 25 May 2008.

Xaqiiqada 6-aad: Filimkan intiisa badan Malaysia ayaa lagu duubay weliba lix bilood ka yar ayaa shaqadiisa lagu soo gaba gabeeyay.

Xaqiiqada 7-aad: Filimka Billa waxaa lagu qarash gareeyay 15 Crore wuxuuna soo xareeyay in ka badan 75 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal sidaas ayuu Blockbuster ku noqday.

Xaqiiqada 8-aad: Billa wuxuu tiyaatarada saarnaa in ka badan 175 maalmood wuxuuna noqday filimka labaad lacagaha ugu badan soo xareeyo sanadii 2007 ee Tamil ana Kollywood sameeyaan kaliya filimka Sivaji ee Rajinkanth sameeyay ayaa ka lacag badnaa.

Xaqiiqada 9-aad: Billa waxaa laga sameeyay qayb labaad oo sheeko ahaan ka horeyso filimkan (Prequel) fariintiisa waxaana la daawaday Billa 2 sanadii 2012 balse ganacsi ahaan wuu guul dareestay.

Dhamaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here